Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya

0
Saturday August 08, 2020 - 14:27:19 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya

    Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka. Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka. Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyiyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19. Muwaadiniinteeda Maraykanka waxaa si gaar ah looga digay inay u safraan Xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha cabsida la xiriirta argagixisada awgeed. "Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.
messenger sharing buttonwhatsapp sharing button..

    


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip