Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA "Shirarka beelaha waxaa ay saameyn ku yeelan doonaan awooda Dowladda"

0
Saturday August 08, 2020 - 13:41:31 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA "Shirarka beelaha waxaa ay saameyn ku yeelan doonaan awooda Dowladda"

    Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada xiliga ay ku dhic laheyd doorashada Madaxtinimmo ee Soomaaliya oo ku began dhammaadka sanadkaan 2020 iyo billowga 2021, iyada oo ay sii dheertahay muddo kororsi ay suurtagal tahay in ay sam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada xiliga ay ku dhic laheyd doorashada Madaxtinimmo ee Soomaaliya oo ku began dhammaadka sanadkaan 2020 iyo billowga 2021, iyada oo ay sii dheertahay muddo kororsi ay suurtagal tahay in ay sameystaan Hay'addaha Dastuuriga marka la gaaro Wakhtiga doorashada. Tani waxa ay keentay in Shirar joogta ah oo looga hadlayo xaaladda dalka ay yeeshaan beelaha, Siyaasiyiinta iyo Madaxda maamul Gobaleedyada, si walacaas meesha looga saaro, waxaana ugu dambeeyay Shirweynihii Beesha Muddullood ee ka dhacay Magaaada Muqdisho.   

         Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA C/Salaam Guuleed Dowladdii Xasan Sheekh oo qeyb galay dood ka baxday Talafeshinka BBC-da ayaa sheegay in Shirka beesha Beesha Muddullood uu kusoo aaday xilli meesha ay ka baxday filashadii aheyd in dowladda jirta ay gaarto deegaan kasta oo dalka ka mid ah, kana fuliso adeegyadii ay u baahnaayeen dadweynuhu, taasina ay keentay in ay aayahooda ka tashadaan Beeshu.

     Dhinaca kale C/Salaam Guuleed ayaa tilmaamay qodobadii kasoo baxay Shirka Muddullood ay muujinayaan in Beeshu aysan raali ka aheyn sida ay dowladdu wax u waddo, shakina ay ka qabaan in xoog ay wax ku maquuniso, isaga oo cadeeyay in ay soo socdaan shirar kale oo kuwaan la mid ah.

     Isaga oo sii hadlayay Cabdisalaan guuleed ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in shirarka ay beelaha ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka uu saameyn ku yeelan doono awooda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta.

           Qodobada ku jiray Shirka Beesha Muddullod waxa uu tilmaamay in ay dareemeen gaabis weyn oo ka jira dhanka dowladda, iyaga oo wada abaabul ah in la xureeyo deegaanada ay heystaan Al-shabaab, lana hormariyo kuwa ku jira gacanta dowladda.

     Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagusoo geba-gebeeyay Shir ay yeesheen Beesha Muddullood, waxaana kasoo qeybgalay Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweynayaashii hore ee dalka ee beesha Muddullood, Odayaal iyo Ergo ka badan 5000, iyada oo lagasoo saaray War-murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob oo looga hadlay xilliga kala guurka ah iyo jaheynta dowladnimada.

xigasho:radiodalsan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip