Maamulka Galmudug oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Cadaado

1
Friday August 07, 2020 - 20:37:56 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Galmudug oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Cadaado

    Maamulka Galmudug ayaa si toos ah maanta ula wareegay maamulitaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wasaaradda Gaadiidka Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa si toos ah maanta ula wareegay maamulitaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wasaaradda Gaadiidka Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana garoonka markii hore gacanta ku haayay Campany si gaar ah loo lee yaahy, balse wixii hadda ka danbeeya waxaa si toos ah u maamuli doona Wasaaradda Gaadiidka Galmudug. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa soo garay garoonka, waxaana ay kormeer ku sameeyeen garoonka iyagoo si gaar ah ugu kuur galay qaabka uu u shaqeeyo iyo howlaha ka socda garoonka. Wasiir dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqaw, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mukhtaar Cali Cismaan, agaasimaha waaxda Dakhliga wasaaradda maaliyadda Cabdi rashiid Muuse Ibraahim (Gurey Gaadayar) ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiinta Galmudug ka tirsan ee soo gaaray garoonka. Sidoo kale waxaa la filayaa in si toos ah ay billawdaan shaqooyinka wasaaradda Gaadiidka ee garoonka diyaaradaha Cadaado, maaddaama uu is baddal xagga maamulka ah uu ku imaanayo howlaha guud ee Garoonka. Tan iyo markii madaxweyne qoor qoor loo doortay xilka madaxweyne ee Maamulka galmudug waxaa degaanada uu mamulkaasi ka arrimiyo laga dareemayaa isbaddal muuqda, waxaana muuqata in wasaarada maamulkaasi ay si toos ah shaqooyin kooda u billaabeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip