Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Sudan oo la Kulmay Safiirka Itoobiya

1
Friday August 07, 2020 - 19:28:21 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Sudan oo la Kulmay Safiirka Itoobiya

    Danjiraha Sooaaamliya u fadhiya dalka Sudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Sudaan, waxaana kulanku uu ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Khartuum. Yibeltal Aemero Alemu oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Sooaaamliya u fadhiya dalka Sudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Sudaan, waxaana kulanku uu ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Khartuum. Yibeltal Aemero Alemu oo ah safiirka Itoobiya dhawaan ay usoo dirsatay dalka Sudaan ayaa booqasho ugu yimid safiirka Soomaliya ee Sudaan, waxana labada mas'uul ay ka wada hadleen arrima la xariira siyaaasadda labada dal.

              "Waxaa maanta booqasho iigu yimid xafiiskeyga safaaradda Khaartuum,Danjiraha Dowladda aan saaxiibada dhownahay ee Itoobiya u fadhindoona Dalkan Suudaan,Amb (Yibeltal Aemero Alemu),waxaana ka wada hadalnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal”.ayuu yirii Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

        Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddooyinkii danbe waxaa uu ahaa mid u muuqda in labada dal ee dariska ah ay si dhaw xariir u yeelanayaan, waxana tan iyo markii la doortay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed muuqda siyaasad furfurnaan ku dhisan oo ay leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip