Denmark oo Muwaadin Soomaaliyeed Sharcigii kala noqotay

1
Friday August 07, 2020 - 19:00:42 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Denmark oo Muwaadin Soomaaliyeed Sharcigii kala noqotay

    Cabdulcasiis Axmed Cumar waa Muwaadinka Soomaaliyeed oo muddo 5 sano ah kunoolaa dalka Denmark,gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm,dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay,kadib markii uu sharcigii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdulcasiis Axmed Cumar waa Muwaadinka Soomaaliyeed oo muddo 5 sano ah kunoolaa dalka Denmark,gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm,dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay,kadib markii uu sharcigii ka dhacay iskuna dayay in uu dib u cusboonaysiisto. Wakaaladda SONNA ayuu la soo xiriiray isagoo jooga dalkaasi,wuxuuna uga waramay dhibaatada dalkaasi ku uhaysata iyo sababta loogalanoqday aqoonsiga Passaporka. "Waxaan ahay muwadin Soomaaliyeed oo ku sugan wadankan denmark, waxaana jooga Denmark muddo 5 sano ah,sharcigi waddanka ayaa iga dhamaday 2019 bishi July,waxaan tagay halka laga soo cusbooneysiyo sharciga waxa ay iyirahdeen anaga jawabta ku siindoonoeyna. "Biloyin kadib jawabtii ayaa noqotay waxaan kala noqonay ogolaanshihii waddanka aad ku joogtay,waa in aad waddanka uga baxdaa muddo 7 casho ah ama aad ku qabsataa Looyaro".ayuu yiri C/casiis Axmed Cumar.

             Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa waregysigiisa uu siiyay SONNA wuxuu ku sheegay in mustaqbalkiisa ee joogitaanka dalkaasi ay ku xirantahay Alle ka sokow $1700 oo dollarka,taasi oo uu qareeno ku qabsanaayo si uu u helo xuquuqdiisa.

        C/casiis Axmed Cumar wuxuu intaasi ku daray in uusan awoodin in uu kharashkaasii iska bixiyo,lacagta biilka ah ee uu qaatana oo waalidkiisa inyer kubiilo inta kalena noloshiisu uu ku maareeyo,taasi oo keentay in uu u qeylo dhaamada walaalihiisa Soomaaliyeed.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ah oo ay dadka soo galootiga ah kala kulmayeen dowladaha reer Yurub,iyadoo ay jiraan dad badan oo ilaa iyo haatan sharciyo aanay helin,kuwo sharciyada lagala noqday iyo dhibaatooyin kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip