Socdaalka Madaxweynaha Faransiiska ee Magaalada Beirut (SAWIRRO)

0
Thursday August 06, 2020 - 22:54:49 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalka Madaxweynaha Faransiiska ee Magaalada Beirut (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta gaaray Magaalada Beirut ee Xarunta Wadanka Lubnaan, isagoona noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee caalamka ee gaara magaalaadaasi, ka dib qaraxii weynaa ee Talaadadii ka dhacay. Mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta gaaray Magaalada Beirut ee Xarunta Wadanka Lubnaan, isagoona noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee caalamka ee gaara magaalaadaasi, ka dib qaraxii weynaa ee Talaadadii ka dhacay. Madaxweynaha Faransiiska ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Beirut ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun, ka dibna waxaa uu kormeer ku soo bixiyay goobihii uu qaraxa baabi'iyay. Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerkiisaan ku guda jiray waxay indhahiisu qabanayeen dhismooyin fara-badan, oo si xun ugu burburay qaraxii ugu weynaa ee ebid ka dhaca magaaladaasi. Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Lubnaan ay u baahan tahay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah. Mar uu ka hadlayay socdaalkiisa Magaalada Beirut ayaa wuxuu yiri "Waxaan la kulmayaa masuuliyiinta siyaasadda, si aan uga wadahadalno xaaladda dhabta ah ee qaraxa." Madaxweyne Macron ayaa markale yiri "Waxaan ognahay xiisadda taagan inay tahay mid weyn, waana mid waajibaad taariikhiya u leh siyaasiyiinta hadda joogga. Waxaan dhacay waa xaalad jahwareerineysa siyaasadda, dhaqaalaha iyo qoysaska reer Lubnaan ee arrintani saameysay, waxayna u baahan talaabooyinka deg-deg ah." Dalalka Ruushka, Turkiga, Iran, Qatar, Tunisia, Algeria iyo Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay kaalmo bani'aanimo gaarsiinayaan dadka reer Lubnaan, kuwoodii uu saameeyay qaraxa.

    


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip