Al-Shabaab oo weeraray degaan u dhow Magaalada Marka

0
Thursday August 06, 2020 - 13:17:29 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weeraray degaan u dhow Magaalada Marka

    Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Naftaa quur oo ka mid xaafadaha deegaanka Ceeljaale, halkaas oo uu ku sugan yahay Taliyaha 7-da Tuulo Cabdullaahi Macow iyo Xubno kale.           

            Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee gacanta ku haaya Magaalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen hal xubin kuwo kalena ay ka dhaawaceen.

         Wuxuu kaloo taliyaha sheegay iney markasta diyaar u yihiin iney ka hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada Al-Shabaab, sidoo kalena ay fulin doonaan howlgallo kala duwan oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada u dhow dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

            Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, hayeeshee Ciidamada Millateriga Soomalaiya ay wadaan howlgallo kala duwna oo ay ku baadi goobayaan Xubnihii Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip