Madaxweynaha Galmudug oo u ambabaxay dalka Turkiga

0
Wednesday August 05, 2020 - 17:01:03 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo u ambabaxay dalka Turkiga

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa Galabta safar shaqo ugu amba baxay Dalka Turkiga,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kasii sagootiyay mas'uuliyiin kala duwan. Garoonka Diyaaradahada Aadan-Cadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa Galabta safar shaqo ugu amba baxay Dalka Turkiga,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kasii sagootiyay mas'uuliyiin kala duwan. Garoonka Diyaaradahada Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho ayuu Warbaahinta kula hadlay waxaana uu uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxaa uu ku baaqay Madaxweynaha Galmudug in shirka 15 Agoosto si mugleh looga soo qeyb-galo, isaga oo rajeeyay inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad. Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu dalka uga ambabaxo tan & labadii Bishii Febaraayo ee sanadkaan xilligaas oo Magaalada Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha Galmudug. .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip