Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA "SAWIRRO"

0
Tuesday March 08, 2016 - 19:20:48 in Wararka by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA "SAWIRRO"

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarunta Wasaradda Warfaafinta ay kusoo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee howlwadeennada Wasaaradda ayaa waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xarunta Wasaradda Warfaafinta ay kusoo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee howlwadeennada Wasaaradda ayaa waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo intaasi kadib Kormeeray dhismaha cusub ee Wakaaladda SONNA iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale kulan looga hadlayay tayeynta howlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ay u heyso dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ka hadlay muhiimadda Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay dalka ,wuxuuna sheegay in Wakaaladda SONNA ay dib usoo ceshan doonto doorkii Warbaahineed oo ay ku laheyd Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye’’ ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka uga warbixiyay horumarada kala duwan ee ay ku talaabsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in Wakaaladda wararka Qaranka soomaaliyeed SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibadda ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan,maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta wararka wakaaladaha kale ee caalamka.

IMG_2513IMG_2514IMG_2518IMG_2523IMG_2524IMG_2526IMG_2530IMG_2534IMG_2536IMG_2540IMG_2541IMG_2545IMG_2549IMG_2550IMG_2552IMG_2554IMG_2555IMG_2557IMG_2560IMG_2561IMG_2565IMG_2571IMG_2574IMG_2576IMG_2577IMG_2578IMG_2579IMG_2580IMG_2581IMG_2582IMG_2585

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Feereysane)

XIGASHORADIOMUQDISHO.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip