Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Drs Xaawo Cabdi

0
Wednesday August 05, 2020 - 17:36:13 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Drs Xaawo Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka sam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray. "Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda." Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.            


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip