Somaliland oo Maanta Sheegtay inay sii Wadayso Wada-hadalladii ay kula jirtay Dowladda Somalia

0
Tuesday March 08, 2016 - 19:18:40 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Maanta Sheegtay inay sii Wadayso Wada-hadalladii ay kula jirtay Dowladda Somalia

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo maanta warbixin ka hor-jeediyay guddiga joogtada ee golaha guurtida Somaliland, ayaa Sheegay in ay sii Wadi doonaan Wada-hadalladii kala Dhexeeyay Dowladda Somalia, Isagoo sidoo kale sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo maanta warbixin ka hor-jeediyay guddiga joogtada ee golaha guurtida Somaliland, ayaa Sheegay in ay sii Wadi doonaan Wada-hadalladii kala Dhexeeyay Dowladda Somalia, Isagoo sidoo kale sheegay in Ictiraaf-raadinta Somaliland ay ka bilaabayaan dalalka Afrika.
Dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland oo horay u sheegtay inay Somalia ka go’day ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2012-kii u dhexeeyay Wada-hadallo ay ujeedkoodu ahaayeen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa.

"Waxaanu doonaynaa in aan halkii kasii wadno Wada-hadalladii aanu Somalia kula jirnay, oo aan Tayeyno kana Miro-dhalino,” ayuu Hadalkiis ku yiri Sacad Cali Shire oo Xusay in dhankooda ay mar walba diyaar u yihiin Wadahadalku inuusan joogsan oo u sii socdo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa intaa ku daray in wadaha-dallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ay soo billowdeen sanadkii 2012-kii, waxaana jiray waxyaabo badan oo lagu heshiiyay, balse aan laga miro-dhalin.

"Nasiib-darro Wadahadalladu waxay noo billowdeen sannadkii 2012-kii, Waxaana tan illaa muddadaas la isku yimid sagaal jeer, Waxyaabo fara badan ayaana lagu heshiiyay, Laakiin lama dhaqan-gelin, waxyaabo kaloo wadaha-dalladan laga filayayna kama aysan soo bixin. Sidaa awgeedna, Waxaanu dhankeena doonaynaa in Wada-hadalladaas lasii xoojiyo lagana miro-dhaliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, Wasiir Sacad Cal ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay in ay dadaal ku bixiso sidii aqoonsi ay ku heli lahayd, isagoo xusay in ictiraaf-raadintooda ay ka billaabi doonaan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ku yaalla.

"Waxaanu doonaynaa inaan dadaal badan ku bixino sidii Somaliland ay Aqoonsi buuxa ku heli lahayd, Waxaana ka billaabaynaa Aqoonsi-raadintaas Dalalka Geeska Afrika ku yaalla innagoo uga sii gudbi doonna Dunida. Waxaan bar-tilmaameedka koowaad ka dhiganaynaa waddamada jaarka aynu nahay, innagoo uga gudbi donna dalalka Galbeedka iyo Koonfurta Afrika ku yaalla oo aan mar xiriir lahayn,” ayuu wasiir Sacad Cali kaga jawaabay su’aal ay Xubnaha Golaha Guurtidu weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ee ahaa inay Xoojinayaan Wada-hadalladii kala dhexeeyay Somalia, ayaa Waxay kusoo Beegmayaan xilli dhowr jeer ay baaqdeen kulamo ay labada dhinac ku yeelan lahaayeen Dalka Turkiga,





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip