Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo ka qeybgashay xuska maalinta haweenka Adduunka "SAWIRRO"

0
Tuesday March 08, 2016 - 19:11:37 in Wararka by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo ka qeybgashay xuska maalinta haweenka Adduunka "SAWIRRO"

    Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiirka Haweenka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiirka Haweenka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8 Maarso, kaasi oo ay sdioo kale ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ururrada haweenka.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka ayaa goobta lagu soo bandhigay suugaan ka hadlayso qiimaha maanta oo kale ay u leedahay haweenka caalamka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa xustay in haweenka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha Cabdiqani Sheekh Cumar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii ay u soo dhicin lahayd xuquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar "Caasho-koos” iyo Xildhibaan Maryan Macalin ayaa si wada jir ah u tilmaamay in haweenku ay yihiin la dhabarka bulshada, ayna ku faraxsanyihiin ka qeyb galka xuska maalinta haweenka caalamka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Muumino Sheekh Cumar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay garab taagantahay haweenka Soomaaliyeed, isla markaana haweenku looga baahanyahay inay maalgeshi ku sameystaan dalkooda, ayna ka difaacaan cadowga.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo u hambalyeysay haweenka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqday in Wasaaradda ay dhiiri gelineyso midnimada Haweenka Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan doorka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay haweennka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo ka difaacidda cadowga dalka, isla markaana ay hay’adaha amniga ku tageeraan adkeynta nabadgelyada si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Maanta oo kale caalamka waxaa looga dabaal degaa xuska maalinta haweenka adduunka, waana maalin caalami ah, haweenka ayaa u dabaal dega guulaha, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda haweenka.

IMG_0596IMG_0599IMG_0600IMG_0602IMG_0605IMG_0618IMG_0619IMG_0626IMG_0632IMG_0642IMG_0644IMG_0647IMG_0648IMG_0650IMG_0653IMG_0657IMG_0658IMG_0660IMG_0662IMG_0675IMG_0683IMG_0689IMG_0698IMG_0703IMG_0709IMG_0728IMG_0735IMG_0739IMG_0744IMG_0746IMG_0747IMG_0750IMG_0754IMG_0755IMG_0756IMG_0757IMG_0761IMG_0778IMG_0782IMG_0787IMG_0807IMG_0809IMG_0827IMG_0835IMG_0842IMG_0846IMG_0847IMG_0848IMG_0853IMG_0855IMG_0859IMG_0862IMG_0865IMG_0875IMG_0879IMG_0880IMG_0883IMG_0884IMG_0885

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip