Feysal Cali Waraabe: "Nin Guddoomiye Baarlamaan ah ma aha inuu nala tartamo"

0
Tuesday March 08, 2016 - 19:07:36 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Feysal Cali Waraabe: "Nin Guddoomiye Baarlamaan ah ma aha inuu nala tartamo"

    Eng. Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hadallo culus ka soo saaray dhaqdhaqaaqyada madaxda Dowladda ee iyagu ka tirsan xisbiyada Kulmiye iyo Wadan, wuxuuna hoosta ka xariiqay arrimo dhowr ah oo uu sheegay in haddii aanay joojin xisbig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hadallo culus ka soo saaray dhaqdhaqaaqyada madaxda Dowladda ee iyagu ka tirsan xisbiyada Kulmiye iyo Wadan, wuxuuna hoosta ka xariiqay arrimo dhowr ah oo uu sheegay in haddii aanay joojin xisbigiisu tallaabooyin kale qaadayo.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay in xisbiga Wadani kharajka Baarlamaanka u adeegsanayo ololaha uu ka wado gobolada Somaliland, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ka qabato arrintaasi.

"Nin Gudoomiye Baarlamaan ah ma aha inuu nala tartamoā€¯ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo sheegay in xisbiyada Somaliland ay si siman u tartamaan.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ay ku dagaalameen markii ay booqanayeen gobolada somaliland oo u tartamayeen ololaha doorashooyinka, wuxuuna Guddoomiye Feysal ammaanay qalabka loo adeegsanayo doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid la isku halleyn karo.

Dhinaca kale sheegay in qof xildhibaan ah marka uu qof kale u ololeynayo uu xilka ka tago marka hore, wuxuuna sheegay inuusan isagu ka xishooneynin inuu runta u sheego xildhibaanada ololaha wada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip