Dowladda Turkiga oo qorshaynaysa inay dhawaan ka hergeliso Soomaaliya Saldhig Milatary
Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan Saldhigga Milliteri oo ay ka furan doonaan gudaha dalka Somalia, si loogu tababaro Milliteriga Dowladda Federalka Soomaaliya.
Wasiirka oo shalay ka hadlay Kulan ay lahaayeen Mudanayaasha Barlamaanka Turkiga ayaa sheegay inay Xilliga Dayrta ee soo socota hirgelin doonaan Saldhigaasi oo uu sheegay inuu muhiim u yahay Ammaanka Somalia iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed.
"Soomaaliya waxaan ka hirgelinaynaa Dhismaha Safaaradda Turkiga, taasi ku fadhida dhul cabirkiisu dhan yahay 80 Hektar” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga oo sidoo kale xaqiijiyay inay sidoo kale dhisayaan Saldhig Milatery oo Turkigu leeyahay.
Dowladda Turkiga ayaa safka hore kaga jirto Dowladaha taageerada ugu xooggan la garab taagan Dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu Madaxweynaha dalkaasi, Rajab Dayib Erdogan booqashadiisa 3-aad ku imaan doono Soomaaliya bartamaha sannadkan.