Gabar Soomaali ah oo weriye ka noqotay mid ka mid ah telefishinada ugu caansan Mareykanka + Video
Dalka Mareykanka waxaa ku sii badanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagu ka qeyb qaadanaya howlaha kala duwan ee dalkaasi ka socda, iyagoo ku milmaya hay'adaha dowladda federaalka Mareykanka, iyadoo iminkana gabar Soomaali ah weriye ka noqotay mid ka mid ah telefishanada Mareykanka ugu caansan.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Naciima Cabdullaahi ayaa weriye ka noqotay Telefishanka FOX46 News, iyadoo tebineysa warar ku saabsan doorashooyinka madaxtinimada ee ka socda dalkaasi.
Naciima Cabdullaahi ayaa wareysiyo kala duwan ka qaadeysa qeybaha kala duwan ee shacabka, Booliska magaalada Pageland iyo guddiyada doorashooyinka dalkaasi.
Dhinaca kale Naciima Cabdullaahi oo ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa waalidkeed ka yimid bariga Afrika, iyagoo dalkooda uga cararay colaadaha ka aloosan halkaasi oo ay ku barbaartay isla markaana waxbarasheeda ku qaadatay isla dalka Mareykanka.
Gabadhaan ka tirsan Soomaalida Mareykanka ee iminka weriyaha ka noqotay Telefishanka FOX46 News ayaa muujineysa sida ay Soomaalida dalkaasi doorkooda uga qaadanayaan howlaha muhiimka ah iyo hay’adaha dowladda Mareykanka.
Gabar Soomaali ah oo weriye ka noqotay mid ka mid ah telefishinada ugu caansan Mareykanka + Video
Dalka Mareykanka waxaa ku sii badanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagu ka qeyb qaadanaya howlaha kala duwan ee dalkaasi ka socda, iyagoo ku milmaya hay'adaha dowladda federaalka Mareykanka, iyadoo iminkana gabar Soomaali ah weriye ka noqotay mid