Dhaqaalihii ugu badnaa oo maanta la guddoonsiiyay guddiga dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Hobyo + Sawirro
Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kulan ballaaran oo ay yeesheen guddiga qaabilsn dhismaha wadada isku xirta caasimada Muqdisho iyo magaalada Hobyo, waxaana guddigaasi oo ka kooban waxgarad, odayaal dhaqameed iyo xubno magac ku leh bulshada dhexdeeda sidoo kale ka soo qeyb galay madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
imaam Maxamed Yuusuf iyo waxgarad kale oo ka tirsan guddiga ayaa iyagu halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay, iyagoona ka warbixiyay dhismaha wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo in howsheedu ku socoto si wanaagsan, hase yeeshee aan weli la keenin dhaqaalihii ay horay u yabooheen.
"Halkaan waxaan uga mahad celinayaa Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Hobyo ku deeqay lacag dhan $50 (Konton Kun Dollar)” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf oo uga mahad celiyay maamulka gobolka sida ay uga dhabeeyeen ballanqaadkoodii hore.
Sidoo kale waxaa halkaani ka hadlay Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo K/Xigeenkiisa, iyagoona sheegay in mamulkoodu taageero iyo hiil hooba leh ay la garab taagan yihiin horumarinta kaabayaasha bulshada.
Dhaqaalihii ugu badnaa oo maanta la guddoonsiiyay guddiga dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Hobyo + Sawirro
Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kulan ballaaran oo ay yeesheen guddiga qaabilsn dhismaha wadada isku xirta caasimada Muqdisho iyo magaalada Hobyo, waxaana guddigaasi oo ka kooban waxgarad, odayaal dhaqameed iyo xubno magac ku