Tunisia oo 28 dagaalamayaal taageersan Daacish ku dishay magaalo ku dhow xuduuda Libiya

0
Tuesday March 08, 2016 - 16:57:26 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tunisia oo 28 dagaalamayaal taageersan Daacish ku dishay magaalo ku dhow xuduuda Libiya

    Ciidamada Ammaanka Tunisia ayaa ka hor-tagay weerar lagu soo qaaday magaalada bariga ku taal ee Ben Guerdane oo ku dhow xadka Libiya. Dagaalyahanadan ayaa weeraray xarumo iyo saldhig boolis ku yaalay magaaladaas, markii ay ka soo tallaabeen xuduud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka Tunisia ayaa ka hor-tagay weerar lagu soo qaaday magaalada bariga ku taal ee Ben Guerdane oo ku dhow xadka Libiya. Dagaalyahanadan ayaa weeraray xarumo iyo saldhig boolis ku yaalay magaaladaas, markii ay ka soo tallaabeen xuduuda.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in 28 dagaalamayaal ay dileen, ayna gacanta ku dhigeen 7 kale.

Sidoo kale waxaa dagaalkaas ku dhintay todobo rayid ah iyo sagaal ka tirsan ciidamada ammaanka Tunisa.

Madaxweynaha Tunisa Mohamed Beji Caid Essebsi ayaa sheegay in weerarkan uu ujeedkiisa ahaa in magaaladaas lagu qabsado, isla markaana lagaga dhawaaqo gobol raacsan Daacish.

Xuduuda u dhaxeysa Libiya iyo Tunisia ayaa waxaa ka jiray walaac ku aadan in dagaalyahano Islaamiyiin oo ku sugan Libiya inay gudaha u soo galaan Tunisia.

Tunisa ayaa waxaa sanadkii la soo dhaafay ka dhacay weeraro dad badan ku dhinteen, kaasoo Mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip