Duqa Muqdisho oo la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose ee Mushaarka u qaata Shiling Soomaaliga

0
Tuesday March 08, 2016 - 11:04:59 in Wararka by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose ee Mushaarka u qaata Shiling Soomaaliga

    Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose qeybta mushaarka ku qaata lacagta Shiling Soomaaliga, kuwaasoo uu ugu baaqay inay laba-laabaan howlahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose qeybta mushaarka ku qaata lacagta Shiling Soomaaliga, kuwaasoo uu ugu baaqay inay laba-laabaan howlahooda.

Kulankan oo shalay ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ayaa looga hadlay howlaha nadaafada iyo bilic soo celinta, iyadoo ay ka dhex muuqdeen Haweenka ka shaqeeya nadaafada Jidadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku ammaanay shaqaalaha dowladda Hoose howlaha baaxada leh ee ay hayaan, waxaana uu xusay in maamulkiisa uu ku dadaali doono mar walba sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga, nadaafada iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha dowladda hoose ayaa isugu jira kuwo mushaar ahana u qaata lacagta Shiling Soomaaliga iyo Doolarka, iyadoo ay ku kala sareeyaan howlaha ay kala hayaan.

duqa (1)duqa (2)duqa (3)duqa (4)duqa (5)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip