Dhageyso:- Taliye Khaliif" Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa in Bac la isku dhalaaliyo"

0
Thursday July 30, 2020 - 12:25:13 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:- Taliye Khaliif" Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa in Bac la isku dhalaaliyo"

    Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ay ka jiraan falal amni darro, kuwaas oo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkod ay yihiin maleeshiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ay ka jiraan falal amni darro, kuwaas oo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkod ay yihiin maleeshiyaad. Waxaa uu sheegay in Rag ku labisan Dareeska Ciidanka oo kala dhiman iyo Dhar Shacba ah ay falalka amni darro geysanayaan,isla markaana dhacdooyin xanuun badan oo dil uu ka mid yahay ay geystaan raggaasi. "Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo,waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada ayuu yiri" Taliye Khaliif. Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka degmada Kaaraan inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana la haayo kiisas badan oo la xiriira dilal iyo dhac ay geysteen rag hubeysan.

   Audio Player

00:00
01:33


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip