XOG: FARMAAJO oo shir deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidanka & Qorshe cusub oo socda..

0
Wednesday July 29, 2020 - 21:52:46 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: FARMAAJO oo shir deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidanka & Qorshe cusub oo socda..

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Qasriga Madaxtooyada isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. Madaxweynaha Somaliya ayaa shir deg deg ahi isugu yeeray Taliye-yaasha Ciidamada Militariga, Booliska, Nab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Qasriga Madaxtooyada isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. Madaxweynaha Somaliya ayaa shir deg deg ahi isugu yeeray Taliye-yaasha Ciidamada Militariga, Booliska, Nabad Suggida, Asluubta iyo Saraakiisha kale ee muhiimka u ah talisyadaasi. Ujeedada shirka ayaa ah in looga hadlo is bedelka siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay bilowgii toddobaadkan, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay rideen Ra'iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirka looga hadli doono gulufkii ugu dambeeyay, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen deegaanada uu maamulo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Ma cadda in shirka ay ka qaybgeli doonaan Wasiiradii Gaashaandhigga & Amniga ee Xukuumaddii Xasan Cali Khayre, waxaana adag in macluumaad sax ahi laga helo in shirkaasi lagu soo casuumay iyo in kale.           Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee maanta ka baaqsaday safar lagu waday inuu ugu amba-baxo dalka Kenya. Taliyaha ayaa safarkiisaan u baajiyay ka qaybgalka shirkaasi.

          Shirka Madaxweyne Farmaajo uu la leeyahay Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu macneeyay mid ay dowladdiisa kaga hortageyso suurtagalnimada inay dhici karaan falal liddi ku ah amniga.

      Villa Somalia ayaa dhalleeceyn xoog lihi kala kulantay tallaabadii, ay Xildhibaanada Golaha Shacabka xafiiska uga eryeen Ra’iisal Wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalka ka soo hawlgala, labaatankii sano ee ugu dambeysay dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya.

Waxay ahayd arrin bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba ka yaabisay barnaamijkii laga soo shaqeeyay, ee ujeedkiisu uu ahaa in kursiga looga tuuro Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii la afgembiyay.

XIGASHO:-SHAACIYE.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip