Xubnaha ugu cadcad ee midkood loo wado inuu noqdo Ra'iisal Wasaaraha cusub

0
Wednesday July 29, 2020 - 20:54:06 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha ugu cadcad ee midkood loo wado inuu noqdo Ra'iisal Wasaaraha cusub

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haataan ku mashquulsan, sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisal Wasaaraha xigga ee dalka, ka dib kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Xukuumaddii Ra'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haataan ku mashquulsan, sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra'iisal Wasaaraha xigga ee dalka, ka dib kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Xukuumaddii Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre. Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sabtidii Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray inuu soo magacaabo Ra'iisal Wasaare cusub, ka dib markii uu ku dhawaaqay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka kalsoonida kala laabteen Goliii Fulinta. Madaxweynaha Somaliya ayaa hadda gacanta ku haya liis ay ku qoran yihiin shakhsiyaad fara-badan, balse waxaa ugu muhiimsan toddobo xubnood, kuwaa oo midkood ay suurtagal tahay inuu noqdo Ra'iisal Wasaaraha soo socda. Xubnaha ugu cadcad in midkood uu noqon karo Ra'iisal Wasaaraha soo socda ayaa waxay kala yihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Yabarow, Madaxa Laanta afka Somaliga ee VOA, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Ra'iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Nuur Diiriye Xirsi (Eng Fuursade), Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Madaxa Hay'adda CRD, Cabdullaahi Goodax Barre, Sii Haayaha Wasiirka Waxbarashada Somaliya iyo Eng Cabdullaahi Cali Xasan, Sii Haayaha Wasiirka Ganacsiga Somaliya.     

Shakhsiga noqon kara Ra’iisal Wasaaraha xigga waxaa khasab ah inuu nodo mid codka kalsoonida ka heli kara Xildhibaanada Golaha Shacabka, marka uu horgeeyo Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa khasab ah in Ra’iisal Wasaaraha uu ka yimaado Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle midkood. Madaxweyne-yaasha labadaasi maamul ayaana haataan Caasimadda Muqdisho ka wada xusul-duub ay ugu jiraan, sidii uu Ra’iisal Wasaaraha uu dhankooda uga imaan lahaa.

Madaxweyne Farmaajo oo ka fiirsasho badani samayn doono ayaa waxaa dhici karta in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu ka soo dhex xusho mid aanba ahayn toddobada xubnood, ee hadda uu isha ku hayo.

Shakhsiga aan la ogayn inuu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha la dhawrayo ayaa noqon doono Ra’iisal Wasaarihii ugu mudada gaabnaa ee xafiiskaasi loo magacaabo, labaatankii sano ee ugu dambeysay dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya, marka aad eegto billooyinka yar ee u harsan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

XIGASHO:- dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip