Safaaradda Mareykanka oo taageereysa tababar ka socda Muqdisho (SAWIRRO)
Safaaradda Mareykanka ayaa taageereysa tababarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah, oo xilligan dhalinyaro Soomaaliyeed lagu siinayo Magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado fursadaha shaqo abuurka ee dhalinyarada.
Tababarkan oo ku saabsan beeraha iyo beerashadooda ayaa dhalinyarada loogu tababarayaa beerista khudaarta, waxaana bixineysa Hay'adda USAID, oo iskaashi kala sameynaysa Safaaradda Mareykanka ee Somaliya. Ujeedada ayaana ah in lagu xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta wax soo saarka ee dalka..
Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri "Bixinta fursadaha maalgashi iyo abuurista shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxay kobcineysaa kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya."
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri "Beeraleyda ka rajada qabta ee Muqdisho waxay hadda ka shaqayn karaaan oo maamuli karaan aqalka dhirta lagu koriyo, kuna beero khudaar macaan oo biyo yar."
Safaaradda Mareykanka oo taageereysa tababar ka socda Muqdisho (SAWIRRO)
Safaaradda Mareykanka ayaa taageereysa tababarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah, oo xilligan dhalinyaro Soomaaliyeed lagu siinayo Magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado fursadaha shaqo abuurka ee dhalinyarada. Tababarkan oo ku saabsan beeraha