Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne

0
Monday March 07, 2016 - 10:57:39 in Wararka by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne Ugaas Khaliif uu ka dhacay qarax khasaare sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne Ugaas Khaliif uu ka dhacay qarax khasaare sababay.

Qaraxan, ayaa la sheegayaa inuu ka dhex dhacay Boorso sida la sheegay uu watay ruux ka mid ahaa dad doonaayay inay raacaan diyaarada.

Wariye ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Garoonka goob ciidamada Jabuuti ay ku baaraan dadka ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha.

Ilaa hada waxaa la soo warinayaa in Qaraxaasi uu ka dhashay dhaawaca dad gaaraya 5 ruux oo ay ka mid yihiin Askar ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.

Qaraxa kadib ciidamada Amisom, ayaa xiray nawaaxiga Garoonka halkaasi oo baaritaano dheeri ah ciidamada ay ka wadaan, sidoo kale ciidamada waxa ay xireen qaar ka tirsan dadka doonaanayay inay Garoonka gudaha u galaan oo ay safraan.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay ku mashquulsan yihiin baaritaanka ku aadan sida ay wax uga dhaceen Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Baledweyne.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa horay uga digay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ka dhaca Magaalada Baledweyne, waxaana ay ugu baaqeen Bulshada inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip