Madaxweyne Farmaajo oo 'raba inuu fashil kasta u saariyo' KHAYRE

0
Wednesday July 29, 2020 - 17:41:33 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo 'raba inuu fashil kasta u saariyo' KHAYRE

    Dr Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo ka ka mid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is-bedalka siyaasadeed ee dhacay, kadib go'aankii Golaha Shacabka. Xasan Sheekh Cali ayaa eede

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo ka ka mid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is-bedalka siyaasadeed ee dhacay, kadib go'aankii Golaha Shacabka. Xasan Sheekh Cali ayaa eedeymo culus dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo inuu iska leexiyo fashilka ku yimid doorashada iyo xaaladda guud ee dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Madaxweynuhu rabo inuu dhammaan wixii dambi ah u saariyo, ra'iisul wasaarihii la riday ee Mudane Xasan Cali Khayre. "Wax alla wixii uu tirinayay Mursal oo uu dhahayay Kheyre ku fashilmay, ee Farmaajaa ku fashilmay, wuxuu rabaa sidii kuraastii la xawilayay wixii dambi ah in Kheyre dusha ka saaro, dadka Soomaaliyeed waa og yihiin weyna garan karaan Kheyre ma ahan cida fashiltay ee waa Farmaajo sababta waxay tahay asal ahaan Soomaaliya ma dooran Khayre ee waxaa la doortay Farmaajo." ayuu yiri Dr Xasan Sheekh Cali. Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu damacsan yahay muddo kororsi iyo in loogu daro muddo 2 sano ah. "Fashil dhamaantiis inuu Xasan Cali Kheyre u saariyo ayuu rabaa, asigana uu cusub yahay oo uu hadda u dhashtay, labo sano uu rabo in loogu daro ee ma ahan 2 sano waa 20 sano ayuu doonayaa." ayuu sii raaciyey hadalkaasi Dr Xasan Sheekh Cali. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si aad hoggaanka xisbiyada mucaaradka ay uga digayaan inay dib u dhacdo doorashada 2020/2021, si looga gaashaanto muddo kororsi.  .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip