Mustaf Dhuxulow "Dhalinyarada Shabaab ee la marin habaabiyay wada hadal dhab ha lala galo oo la fahamsiiyo Somalinimada"

0
Monday March 07, 2016 - 10:52:20 in Wararka by
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaf Dhuxulow "Dhalinyarada Shabaab ee la marin habaabiyay wada hadal dhab ha lala galo oo la fahamsiiyo Somalinimada"

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, hadana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa soo jeediyay in wada hadal dhab ah lala galo Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab ee sida uu sheegay Mustaqbalkooda laga marin habaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, hadana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa soo jeediyay in wada hadal dhab ah lala galo Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab ee sida uu sheegay Mustaqbalkooda laga marin habaabiyay.

Mustaf Dhuxolow, wuxuu sheegay Shabaabka inaan looga adkaan karin kaliya dagaal, balse muhiimada ay tahay iyadoo ay jirto arimo Millateri in xooga la saaro wada hadal dhab ah oo Shabaabka lala galo.

"Dowladda marar badan ayay cafis u fidisay, waxaa shaki ku jirin inaan Milateri ahaan wax lagu xalin karin, waa in fikir loo isticmaalaa, in dhalinyarada lala hadlo oo la dhiira geliyo la fahamsiiyo culeysyada dalka ka jira, dhibaatooyinka ay ku hayaan, inay la dagaalamayaan dad Somali muslimiin ah, in la fahamsiiyo, waxaa qabaa dhalinyarada la marin habaabiyay wada hadal dhab lala galo la fahamsiiyo Somalinimada iyo Wadaniyada, kuwooda madaxda sare lala hadlo oo dowladda dhankeeda yimaadaan waa muhiim, sida Sheekh Atam oo kale muddo badan lala waday wada hadal, waana laga mira dhaliyay wada hadalkaas.”Ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Calu Dhuxulow.

Mustaf Dhuxulow, wuxuu kaloo ka hadlay sababaha ku aadan in qaar ka tirsan Shabaabka la cafiyo, halka qaar kalena la xukumo.

"Kii isagoo miino dhigaya ama dagaalamaya la qabto iyo midka si mutadawacnimada isku soo dhiibaya waa kala duwan tahay, sababaha cafiska loo dhiibaya waa inay dhalinyarada ka faa’ideystaan, maxaa yeelay kuwa go’aansaday inay Shabaabka ka soo tagaan, ee Dowladda iyo shacabkooda ku soo biiraan oo dambiyadooda qirtaan waa in la soo dhaweeyaa, waxay dhiira gelineysaa inay kuwa kale soo raacaan, waana mid aad iyo aad loogu baahan yahay in la sii xoojiyo, waa in mar walba Shabaabka loogu baaqo in falka xun ee joogtada ay ku jiraan ka soo baxaan” Ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dowladda Somaliya ayaa inta badan waxa ay cafisaa Madaxda sare ee ka tirsan Shabaab ee isku soo dhiiba Dowladda Federalka Somaliya, sida Sheekh Atam, Madaxii Sirdoonka Shabaab Zakariye iyo Masuuliyiin kale oo horay ay Dowladda u cafisay, halka dhalinyarada yar yar ee Shabaabka ka tirsan Dowladda xukuno kala duwan ay ku rido.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip