Haweeney u dhaxday hoggaamiye kooxeed caan ka ahaa Muqdisho oo farriin u dirtay Soomaalida

0
Monday March 07, 2016 - 10:12:51 in Wararka by
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney u dhaxday hoggaamiye kooxeed caan ka ahaa Muqdisho oo farriin u dirtay Soomaalida

    Haweeney u dhaxday hoggaamiye kooxeed caan ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda maanta ee wadanka Soomaaliya, iyadoona farriin u dirtay hoggaamiyeyaasha bulshada, madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney u dhaxday hoggaamiye kooxeed caan ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda maanta ee wadanka Soomaaliya, iyadoona farriin u dirtay hoggaamiyeyaasha bulshada, madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada.
Khadiijo Saciid Gurxan oo ahayd haweeneyda u dhaxday Jan. Maxamed Faarax Caydiid ayaa iyadoo ku sugan magaalada Kampala ee wadanka Uganda waxay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga uga warbixisay Soomaalida dalkaasi ku nool.

"Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali fara badan, arday dhigata 9-jaamacood oo ku yaala magaalada Kampala, inkasta oo ay iska jiraan dhibaatooyin yar yar, hadana waxaa xaliya safaaradda iyo bulshada aan aniga ka mid ahay” ayay tiri Khadiijo Gurxan.

Mar ay ka hadleysay xaaladda wadanka Soomaaliya waxay ku buurisay madaxda, siyaasiyiinta, odayaal dhaqameedyada in nabadda laga shaqeeyo.

"Dadka Soomaaliyeed waa xidid, wiil iyo abtigii, xigaalo ayay yihiin waana wadahadal nabadeed lagu dhameeyo dagaallada beelaha walaalaha ah” ayay tiri Khadiijo Gurcan oo sheegtay in xaaladda wadanka ay ka soo reyneyso isla markaana bulshada ay ka wadahadlayaan sidii ay dalkooda u horin lahaayeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip