Xasan Muudeey:- Yaa dilay Yariisow ?

0
Saturday July 25, 2020 - 21:18:04 in Wararka by
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Muudeey:- Yaa dilay Yariisow ?

    Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna lataliyaha dhanka warbaahinta maamulka Hirshabelle state ayaa su'aalo badan ka keenay Dilkii duqii Muqdisho iyo mas'uuliyiintii ku naf waayay qaraxii kadhacay sanad kahor aqalka dowladda hoose ee Xam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna lataliyaha dhanka warbaahinta maamulka Hirshabelle state ayaa su'aalo badan ka keenay Dilkii duqii Muqdisho iyo mas'uuliyiintii ku naf waayay qaraxii kadhacay sanad kahor aqalka dowladda hoose ee Xamar. Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kasoo daabacay su'aalo badan oo ku saabsan musiibadii sanad kahor lagu laayay madaxdii gobalka banaadir. Waxa uuna u qornaa sidaan :- "Yaa dilay Yariisoow ?" Waxaa laga joogaa muddo sanad ah markii qaraxu ku haleelay aqalka dowladda hoose ee Xamar, waxaa waxyeelo soo gaartay saaxiibo badan oo qaar badan ay dhaawacyo soo gaareen kuwa kalana ay ku nafwaayeen qaraxii kadhax dhacay howlka shirarka uu markaasi shir uga socday gudoomiyayaasha degmooyinka iyo qaar kamida agaasimayaal. Waxey dowladdu sheegtay in gabar ismiidaamisay ay qaraxa fulisay,taasoo wali ay kajiraan tuhumo badan sababta gabar indha la' ay qarxisay iyo habka ay ugu fududaatay in ay qarax lagasho howlka uu shirku kasocday. Waxey hay'adaha amnigu sheegeen lasoo qab qabtay qaar kamida dadkii lagu tuhmayay ee kadanbeeyay in qaraxaasi halkaa kadhaco. Nasiib darro sanad kadib wali ma arag ruux loosoo taagay maxkamad, ruux laga waraysanayo iyo ruux xittaa shacabka gobalka banaadir iyo shacabka Soomaaliyeedba lala wadaagay. Nasiib darro kale waxaa ah in mas'uuliyiin badan ay kagaabiyeen in kiiskaa sababtiisa lasoo saaro, laqeexo si hufan, lana kala saaro mugdiga wali kajira sababta uu qaraxaasi ugaaray aqalaka dowladda hoose ee uu Duqii Muqdisho ugu geeriyooday. Waxaa nasiiib darro kala ah in wali kiiskaasi la duug duugayo oo aan xaqiiqsaneyn in lasoo saari doono maxkamad dadkii kadanbeeyay falkaas. Madaxweynaha Soomaaliya oo digreeto ku magacaabay Marxuum Yariisow wali shacabka Soomaaliyeed intuu soo hor istaagay si cad uma qeexin cidda diashay maadaama uu dalku ugu sarreeyo. Nasiib darro waxaa ah in dad badan oo wax tar ah ay iyaguna kasabreen sida ay wax udhaceen iyo sababta uu qaraxaasi loola eegtay mas'uuliyiin aad isugu dhaw.

               

Su’aalaha wali taagan ayaa ah ;-

●Aaway dadkii loosoo qabtay dilkii Yariisoow ?


●Maxaa loo soo taagi waayay maxkamad ?
●Sanad kadib majiraa sharci sheegay in muwaadin aan maxkamadeysneyn uu tuhun u xirnaado ?
●Maxay wasaaraddu amniga uga gaabisay in lasoo saaro danbiila yaashii falka kadanbeeyay ?
● Ma argagixisaa dishay?mise qolo la qarinayaa Jirta ?
●Yaa damiyay caamiradihii ku xirnaa gobalka banaadir?hadaysa shidnaayeen aaway wixii ay duubeen ?

Yaa dilay Yariisoow ?
Qeybtii koowaad halkaa ha’inoo joogto…….

Hassan Abdulkhader Mudey

Xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip