Real Madrid oo xalay ku guuleysatay koobkeedii 34aad ee horyaalka La Liga.

0
Friday July 17, 2020 - 17:01:56 in Wararka by
  • Visits: 2648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo xalay ku guuleysatay koobkeedii 34aad ee horyaalka La Liga.

    Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkeedii 34aad ee horyaalka La Liga, waa kooxda ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta Spain mana jirto koox u soo dhow xitaa kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona. Los Blancos ayaa u baahneyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkeedii 34aad ee horyaalka La Liga, waa kooxda ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta Spain mana jirto koox u soo dhow xitaa kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona. Los Blancos ayaa u baahneyd ka hor kulankii xalay labo dhibcood, laakiin waxay heleen seddex dhibcood ka dib markii ay 2-1 uga badiyeen kooxda Villarreal halka kooxdii la tartameyso ee Barcelona ay ku kuftaty garoonkeeda Camp Nou iyadoo ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Osasuna. Los Blancos ayaa sii dheereysatay rikoodhkeeda koobabka ugu badan ee horyaalka La Liga iyagoo haatan ku guuleystay 34 koob, kooxda ku soo xigta waa Barcelona oo ku guuleysatay 26 koob. Waxay taasi la micno tahay in Los Blancos ay 8 koob oo horyaalka La Liga ah ay dheer tahay kooxda Barcelona. Kooxda seddexaad ee ugu guulaha badan horyaalka La Liga waa Atletico Madrid waxay ku guuleysatay kaliya 10 koob.

                                       LIISKA KOOXAHA UGU KOOBABKA BADAN LA LIGA:


34 koob – Real Madrid

26 koob – Barcelona

10 koob – Atletico Madrid

8 koob – Athletic Club

6 koob – Valencia

2 koob – Real Sociedad

1 koob – Deportivo La Coruna, Sevilla, Real Betis

Dhanka kale tababare Zinedine Zidane ayaa ku guuleystay koobkiisii labaad ee horyaalka La Liga isagoo tababare u ah Real Madrid.

Waa koobkii 11aad ee uu qaado 209 kulan uu tababare u ahaa Los Blancos, intii garaneysa xisaabta celceliska waxay taasi u dhigantaa inuu 19 kulan kasta uu koob ku guuleystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip