HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-JULY-2020

0
Tuesday July 14, 2020 - 09:11:39 in Wararka by
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-JULY-2020

    Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo aqbalay Dalab uga yimid M/Goboledyada Warar kalsoonaan karo oo aan helnay ay aa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed C/hi Farm aajo iyo R/Wasaare Kheyre ay aqbaleen marti qaadkii Madax da dowlad Gobole

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo aqbalay Dalab uga yimid M/Goboledyada Warar kalsoonaan karo oo aan helnay ay aa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed C/hi Farm aajo iyo R/Wasaare Kheyre ay aqbaleen marti qaadkii Madax da dowlad Goboleed yada dalka, kaasi oo ahaa in Madaxda DFS iyo kuwa Maamulada ay shir isugu yimaad an si loo wada hadlo. R//Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin M/ Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmud ug, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxda Maa mul Goboleedyada. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Mad axweyne Maxamed C/hi Farmaajo uu isna maalmaha soo socda la filayo inuu gaaro Dhuusamareeb, isla markaana ay socdaan qorshihii uu tegli lahaa halkaas. Madaxda DFS& Madaxda Maamul Go boleedyada ayaa yeelan doona shirweyne lo oga hadli doono Arrimo kala duwan, waxaa na inta badan dhinacyada ay ka arrisan doo naan Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa Khilaafyada mudada dheer jiray. M/Dhuusamareeb ayaa shir laba maalin soc day ku yeeshay Madaxweyneyaasha maam ul Goboleedyada, kaas oo inta uu socday lo oga hadlay Doorashada dalka, waxaana Ma daxda ay isku raaceen in la Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo. War-muriyeedkii Habeen hore laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb ayaa waxaa soo dha weeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Qa ar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dal ka ka jira, iyagoo qaarkood Madaxda dowla dda ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan Wej iga 2aad ee Shirka Dhuusamareeb.

Omar Finish oo amar cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

      Cumar Filish, G/G/Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota guddoomiyeyaasha degmooyinka, midaasi oo ku aadan bilic da iyo muuqaalka Magaalada. G/Filish ayaa sheegay in roob ab maalmihii u dambeeyay ka da’ay caasimada ay saameyn balaadhan ku yeeshen bilicda iyo muuqaal ka guud ee Magaalada, isl markaana loo baahan yahay in kaalin weyn laga qaato dar-dar gelinta horumarka.

       Md.Finish ayaa xusay in qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada ay bi yo fadhiisteen, loona baahan yahay in laga howl-galo, isagoona guddoomiyeyaasha deg mooyinka G/Banaadir ku amray inay kaalin li xaad leh ka qaatan nadaafada iyo bilicda caasimada.isagoo sheegay inay socdaan qo rshayaal cusub oo lagu dar-dar gelinayo horumarinta caasimada, isla markaana ay ka go’antahay ka shaqeynta dhinacyada am niga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Sooma aliyeed.

Md.Finish ayaa sidoo kale bulshada u balan qaaday inay si deg-deg ah uga howl-galaya an dhibaatooyinka uu sababay roobkii maa lmihii u dambeeyay ka da’ayay caasimada.

     M/Muqdisho ayaa maalmihii u dambeey ay waxa ka da’ayey roob lagu qabowsaday, wallow uu banaanka keenay waddo xumo iyo habacsanaanta shaqo ee maamulka deg mooyinka gobolka

Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Kheyre oo Magacaabis sameeyay

       Wasiirka W/Gaashaandhigga XFS Md. Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Ma gacaabay Agaasimaha guud ee W/Gaasha andhiga dowladda.

      Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Amar-dambe ayaa waxaa xilka Agaasimaha guud ee W/G/dhiga si KMG ah loogu Maga caabay inuu noqdo Axmed Cabdi Kooshin, isagoo bedelaya Agaasimihii hore ee Jihaan Cabdullaahi Xasan.

      Dhamaan hay’addaha DFS ayaa waxaa laga dalbaday inay la shaqeeyaan Agaasime Axmed Cabdi Kooshin oo si KMG ah loo Magacaabay.

            Hoos ka Akhriso Qoraalka Magacaabista Agaasimaha Cusub

Wasiir Foosiya oo saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka

     Foosiya Abiikar Nuur, W/Caafimaadka So maliya ayaa waxay Shalay M/Mu qdisho ku saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka. Qoraal lagu daabacay barta W/ Caafimaadka ku leed ahay sha bakadda bulshada wada xiriiri so ee Twitter ayaa lagu sheeg ay in siyaasadani, ay qayb weyn ka qaadan doonto horumarinta iyo bixinta adeeg yada tallaalka.

  Qoraalka ayaa lagu yiri "W/Caafimaadka ayaa Shalay waxay saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka, taasi oo hagi doonta dha mmaan hawlaha la xiriira Tallaalka.Siyaasa dani waxa ay qayb weyn ka qaadanaysaa horumarinta iyo bixinta adeegyada tallaalka.”

Tallaalka ayaa muhiim u ah ka hortagga cu durada faafaya qaarkood, waxaana la isu sii yaa 2 dhibcood oo carruurta laga siiyo afka ama garabka oo laga tallaalo. Xitaa waxaa qaadan kara dadka waaweyn, kuwoodii aan horey u helin wax tallaal ah.

Adeegyadii CID oo dib loo bilaabayo Maanta ..

     Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saam eyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday inta badan adeegyadii muhi imka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay”adaha do wladda.

Adeegyadii CID oo dadw ey nuhu ay ka heli jireen warq adda dembi la’a anta ayaa la gu wadaa in malinta beritu ah 14-July 2020 dib loo bilaabo,sida uu Wakaa ladda SONNA u sheegay afhayeeenka ciida nka Booliska S oomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.

    "Waxaa dib loo bilaabayaa adeegii warq adda dembi la’aanta ee (CID maalinta beritu ah oo taariikhdu tahay 14-july 2020,iyadoo la sameeyo habraacyo cusub iyo isbedello ku waasi oo bulshada u sahlaya in si fudud lo ogu adeego,loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka,weji xir(Masks ayay dadku soo qaadanayaan,shaqaduna waxaa ay bila abanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurni mo ayayna soconaysaa”.ayuu yiri Afhayeen ka ciidanka booliska.

     Afhayeeenka ciidanka Booliska Sooma aliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo u war amayay SONNA ayaa intasi ku daray in tir ada dadka maalinkasta laga dhigay 150 qof, halkii hore ka ahaan jirtay 300,taasi oo qeyb ka ah taxadarka bulshada caafimaadkooda.

Dhame Sadiiq ayaa sheegay in dadka qurba joogta ah ay adeegyadaasi ku heli karaan habkii qadka internetka ee(onlike-ka),iyagoo la xiriiraya safaaradaha wadamada ay jooga an,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin in shaqaalaha dowladda aanay qof soo raa cin si loo ilaaliyo musuqa,iyo kala horeynta dadka,iyadoo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah loogu adeegi doono, loogu na tagayo goobohooda.

     Howlihii shaqo ee CID ayaa la joojiyay 19kii bishii Marso 2020,sababo laxiriira Cov id-19,Warqadda CID laga qaato ayaa khuse ysa, Visaha,Baasaboorka,Leysimada iyo qof ka shaqo doonka ah.

Kulan deg deg ah oo laga yeeshay saam eynta ka dhalatay Roobkii da’ay

    Kulan deg deg ah oo looga hadlayay kha saarihii uu geystay roobkii ka da,ay M/Muqd isho ayaa Shalayta lagu qabtay Xarunta D/Ho dan ee G/ Banaadir.kaasoo uu  shir Guddoo miyay G/ku xigeenka Howlaha guud ee G/B anaadir Cumar Cali Cabdi iyo G/ ku-xigeen ka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caam ir Axmed

    Kulanka waxaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa Dadkii uu u geestay khasaara roobka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn la haa wadooyinkii ku Burburay roobka.

     Waddooyin badan oo ku yaalla Muqdisho ayaa ku burburay roobkii ka da’ay saacadihii la soo dhaafay ,waxaana Maamulka G/ Ban aadir kaliya ay kusoo aruurtay Shaqadiisa

balan aan la fulin.


Wararkii ugu dambeeyay Ismiidaaminta lala eegtay Taliyaha Xoogga

    Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay Taliy aha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo maraayay inta u dhaxeysa Tarabuunka & Isb itaalka Xoogga dalka.

    Gaari noociisa uu yahay Surf oo uu kaxe ynaayay naftii halige ayaa isku dayay inuu dhex galo kolonyada gaadiidka Taliyaha, bal se Ciidamada Illaalada Taliyaha oo ka shaki yay gaarigaan ayaa rasaas ku furay.

    Intaasi kadib gaarigii ayaa qarxay, waxaa na ka dhashay dhimasho & dhaawac soo ga aray dad u badan shacab oo goobta ka ag dhawaa, waxaa dhimashada ay tahay 2 ruux halka dhaawacana yahay 13 ruux.

    2da qof ee dhintay ayaa la sheegay inay kala yihiin ruuxii Ismiidaamiyay & ruux kale oo shacab ahaa, halka dhaawacana ay kala yihiin Saddex Askari & 10 ruux oo shacab ah.

     Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soma liya Odawaa Yuusuf Raagge ayaa Warbaahi nta dowladda u sheegay inuu nabad qabo, bartilmaameedka Qaraxana uu isaga ahaa, balse illaaladiisa oo feejigan ay rasaaseeye en gaariga Qaraxa.

     Ammaanka M/Muqdisho ayaa maalma han dambe soo xumaanaya, waxaana Mag aalada ka dhacaya falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Galmudug oo ka hadashay dabkii M/ Dhuusamareeb

    Waxaa lagu Guuleystay in la damiyo Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala M/Dhu samareb ka dib markii uu Dabku ka dhashay Booyad Kaalinta Shidaal ku shubaysay , Goobtaan oo ku taala Bartamaha M/Dhusa mareb ayaa waxaa u soo Gurmada Ciidama da Booliiska, Nabab Sugida, Milatariga iyo Bulshada Magaalada.

    Taliyaha Booliiska Qaybta Galmudug Gen. Bishaar Abshir Geedi ayaa ka warbix iyey sida loogu Gurmaday Goobtaan Dabku uu ka kacay waxa uuna sheegay inuusan gaysan wax Qasaare nafeed ah.

G/M/Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo Goobta gaaray ayaa waxa uu xus ay in Magaaladu si deg deg ah ugu Baahan tahay Dab-damis si loogu badbaadiyo Qasa araha Nuucaan oo kala ah.

     Dabkan ayaan ku fidin Goobaha ka ag dhow halka uu markii hore qabsaday taasina waxaana lagu sameeyey ka hortag iyo dam in mana jiraan wax Qasaare Nafeed ah oo uu gaystay marka laga reebo Burburka Han tiyadeed.

Guddi wasiirro ah oo loo magacaabay ka shaqeynta aas-ka qaran ee marxuum Xasan Abshir

     Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu magacaabay guddi ka shaqeyn doono aas-aaska qaran ee loo sameyn doono meydka ra’iisul was aarahii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Fa arax oo ku geeriyooday waddanka Turkiga .

Guddigaan oo dhammaantii ka tirsan Golaha Xukuumadda ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka shaqeyn doonaan aas-aaska marxuum Xasan Ab shir, waxay sidoo kale ka shaq eyn doonaan sidii meydkiisa loo keeni lahaa gudaha dalka.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kala yihiin.

1- Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare ku xigeenka XFS  :Guddoomiye.

2-Axmed Ciise Cawad W/Ar/Dibadda                          :Xubin.

3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta                : Xubin

4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha                        :Xubin

5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada                                              :Xubin

6.Khadiija Maxamed Diiriye W/Dhalinyarada                             : Xubin

7. Fowsiya Abiikar Nuur W/Caafimaadka                                      :Xubin.

8. Maxamed C/hi Salaad (Oomaar) W/Gaad iidka         :Xubin.

9. Maxamuud Xayir Ibraahim  Wasiiru dawl aha Maaliyadda              : Xubin

      Allaha U Naxariistee Xasan Abshir Faar ax ayaa waxa uu ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka,

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhiirigelisay ciyaartoy heer wanaagsan ka gaartay tartanka Golfka

      Waxaa Dalka Mareykanka ka soconaya tartanka Golf-ka caruurta Adduunka,kaasi oo meel wanaagsan ay ka gaartay gabar Soom aaliyeed ee kunool dalkaasi.

     Sihaam Cabdirashiid Ibraahim Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa wa xaa ay soo gaartay Semi-finalka tartan kaasi Golf-ka Caruurta, iyadoo dhiirogelin lacageedna ay ka heshey wasiirka Dhal inyarada oio Ciyaar aha Soo maaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

     "Tartanka koobka Golf-ka caruurta addun ka oo ka dhacaya Mareykanka is reebreeb ka ayay u soo gudubtay Sihaam Cabdirashi id Ibraahim,Maashaa Allah,guul baan u raje ynayaa Sihaam,waxaa iga gacan siisay gab adhayda Seytuuni Cabdi Xusen inan $5000 dollar aan gaarsiiyo,iyadana waan u ga mah ad celinayaa dhiirigelinta Sihaam iyo maga ca Qaranka Soomaaliyeed”.ayay tiri wasiir Khadiijo.

     Ugu dambeyntii wasiirkaad khadiijo Max amed Diiriye ayaa guul u rajeysay Sihaam Cabdirashiid oo haatan soo gaartay isreebr  eebka tartankaasi.

Xaliimo Yarey oo la kulantay qaar ka mid ah Xisbiyada Dalka                           


Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Shalay M/Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida KMG ah u diiwaang ashan. Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo 2da dhinac ayaa diir adda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qadan lahayen Shahadada radmiga ah.

      G/Guddiga Madaxabanaan ee Doorasho oyinka Qaranka Xalii ma Ismaaciil ayaa fur tay kulan ka iyadoo ku dheeratay hawla ha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka sheekaysay si da ay ugu dedaaleen in la helo Sharciga xisbiyadaiyo shuruuc da kale ee la xariirta doorasha da iyadoo hay’a daha ku shaqada leh aan ka ga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuru ucdaas.

      Sidoo kale Gudoomiye Xaliima ayaa ka codsatay in Xisbiyadu ay dhankooda muujiy aan isku duubni ku aadan in dalkaanu uu ka baxo doorashooyinka dadban, iyadoo sidoo kale ka dhawaajisay in Soomaaliya ay 50 sa no ka hor ay ka dhacday doorasho qof iyo cod ah iyadoo intaan ka qibrad yar.

     Ugu dambayn Xisbiyada ka soo qaybgal ay kulanka ayaa su’aala waydiiyay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran ka iyadoo Komishineerada Guddiga ay kaga jawaabeen su’aalahii la waydiiyay.

     Kulankan ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii Madaxda DG/dyada dalka ay sheegeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa oo ka badbaaday qarax lagula eegtay Muqdisho

    Faah-faahin dheeraad  ah ayaa kasoo ba xaysa qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weer aray taliyaha ciidamada xoogga ee dowlad da Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Ra age oo marayay meel u dhow Cisbitaalka Cii damada dowladda.

     Wararka laga helayo Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa wa xay ay sheegeen , in inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen haweeney rayid aheyd oo mareysay halka uu qaraxa ka dhacay iyo qofkii waday gaa riga is qarxiyay.

Taliyaha Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya Janaraal Odowaa oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Af-ka Dow ladda Soomaaliya, ayaa waxa uu qeexay in bartilmaameedka uu isaga ahaa, balse uu badbaaday. Waxa uu intaa ku daray in Ilaal ada isaga la socotay oo aad u feejigneyd ay gaariga is-qarxiyay rasaaseeyeen, sidaasna uu khasaaraha ku yaraaday.

      Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qar axii Shalay ka dhacay M/Muqdisho ee caas imadda Soomaaliya.


Galmudug iyo Puntland oo heshiis Cusub kala saxiixday

    Heshiiskan oo ay kala Saxiixdeen Was aaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedya da Galmudug iyo Puntland ayaa Shalay ka dhacay M/Gaalkacyo, waxaana kulanka goo bjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenada Maaliya dda maamulada Galmudug iyo Puntland, xu bno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga

Agaasimaha Guud W/Maa liyadda Galmudug Cumar Xasan Xaaji ayaa sheegay in He shiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista qaadista canshuurta labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi War same Ibraahim iyo Mukhtaar Cal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip