Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka?

0
Sunday July 12, 2020 - 21:54:33 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka?

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa shir qadka Ineternet-ka ee (Video Conference) kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar. Kulanka ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa shir qadka Ineternet-ka ee (Video Conference) kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada dhinac saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangiga uu Soomaaliya uga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka,sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. "Waxa aan maanta si "Maqal-Arag" ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, Waxa aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka ayuu yiri" Wasiir Beyle. Dalal badan oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa waxaa hoos u dhacay dhinaca dhaqaalaha maadaama la soo saaray go'aano looga hortagayo faafitaanka Cudurka Coronavirus oo ay kamid yihiin xayiyaarada duulimaadyada Caaamiga ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip