Xukun lagu riday dad loo heysto kufsi ka dhacay Galgaduud

0
Sunday July 12, 2020 - 21:49:44 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun lagu riday dad loo heysto kufsi ka dhacay Galgaduud

    Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybteeda Magaalada Cadaado ayaa Maanta waxaa ay xukun kala duwan ku riday Shan ruux oo la sheegay inay ku lug lahaayeen kufsi ka dhacay Deegaan hostaga Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud. Shanta Ruux oo kala ah af

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybteeda Magaalada Cadaado ayaa Maanta waxaa ay xukun kala duwan ku riday Shan ruux oo la sheegay inay ku lug lahaayeen kufsi ka dhacay Deegaan hostaga Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud. Shanta Ruux oo kala ah afar rag ah iyo haweeney ayaa Maxamadeyntooda dhawaan bilaabatay,waxaana Afarta ragga ah lagu helay inay kufsi wadareed u geysteen Hodan Maxamed Diini halka Haweeneyda lagu eedeeyay inay Shirkoolka Gabadha lagu kufsaday ay soo maleegtay. Afar kamid ah eedeysanayaasha ayaa ka dhaartay falkaasi inay ku lug lahaayeen,kuwaas oo kala ah Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur halka Cali Daahir Cabdi uu qirtay in falkaasi uu ku lug lahaa,isla markaana Gabadha xiriir badan lahaayeen. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud qeybteeda Cadaado Sheekh Maxamed Guuleed Keynaan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kan qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal,masaafurin iyo 44-dago oo meher ah sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud qaybteeda Cadaado. ./


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip