Taliska Ciidanka oo soo saaray digniin ku socoto dadka xirta dharka Ciidanka Xoogga
Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray adeegsiga Dharka iyo Astaamaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay adeegsadaan dad aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay tilaabo qaadi doonaan Cid walba oo aan ka tirsaneyn Ciidanka ee Xirada dharka Ciidanka dowladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga ay la wareegi doonaan gaadiidka lagu buufiyay Astaanta Ciidanka ee ka tirsaneyn Ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha waxaa uu kaloo ka hadlay Kooxo hubeysan oo isbaaro dhigtay meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii lasoo dhaafay dhibaato ku haayay Shacabka ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada Dhexe.
Odawaa ayaa xusay in Ciidanka xoogga ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan kooxahaasi, islamarkaana gacanta lagu dhigi doono.
Waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo ku aadan in Kooxahasi gacanta lagu soo dhigo si sharciga loo marsiiyo. .
Taliska Ciidanka oo soo saaray digniin ku socoto dadka xirta dharka Ciidanka Xoogga
Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray adeegsiga Dharka iyo Astaamaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay adeegsadaan dad aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda. Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage aya