RW Kheyre oo War kasoo saaray Geeridii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dalka

0
Sunday July 12, 2020 - 21:45:59 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo War kasoo saaray Geeridii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dalka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Ra'ii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra'iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Turkiga. Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Xasan Abshir uu kaalin muhiim ah ka qaatay dib-u-dhiska dalkeena, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo. "Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra'iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo" ayuu yiri RW Kheyre. Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday dalka Turkiga Marxuum Xasan Abshir si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, isagoona marna soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, sidoo kalena kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip