Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been abuur ah

0
Sunday July 12, 2020 - 10:57:09 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been abuur ah

    Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen lacagta loo yaqaan Dolarka Madow Ee Been abuurka ah iyo Qamri badan iyo sidoo kale dad lagu soo qabtay. Howlgalka lagu soo qabtay lacagta been abuurka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen lacagta loo yaqaan Dolarka Madow Ee Been abuurka ah iyo Qamri badan iyo sidoo kale dad lagu soo qabtay. Howlgalka lagu soo qabtay lacagta been abuurka ah ayaa Ciidamada Soomaaliland waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Hargeysa, Burco iyo Gobolka Sanaag,waxaana la sheegay in sidoo kale dad gacanta lagu soo dhigay. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in dadka dollarka been abuurka ah ay doonayeen in ay dadka dadka bedeshaan lacagta Soomaaliland laga isticmaalo taas oo bulshada dhibaat ku ah. Waxaa uu sheegay in falkaasi ay u hayaan Shan rag ah iyo haweeneey,kuwaas oo uu sheegay in dhawan la horkeeni doono Maxkamadda Magaalada hargeysa si tallaabo looga qaado. Waa markii labaad oo sanadkaan Gudihiisa ay ciidamada Soomaaliland ay gacanta ku dhigaan lacago Dollar been abuur ah,kuwaas oo ay Boolisku sheegeen in dad loo maxkamadeeyay dadka kalena loo maxkamadeynaayo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip