Khayre oo jimicsi u tagay Garoonka Stadium Muqdisho (SAWIRRO)

0
Wednesday July 08, 2020 - 19:35:39 in Wararka by
  • Visits: 2696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre oo jimicsi u tagay Garoonka Stadium Muqdisho (SAWIRRO)

    Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta jimicsi u tagay Garoonka Stadium Muqdisho, oo dhawaan uu xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ka dib markii in muddo ahba dib u habayn ballaaran lagu wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta jimicsi u tagay Garoonka Stadium Muqdisho, oo dhawaan uu xariga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ka dib markii in muddo ahba dib u habayn ballaaran lagu waday. Ra'iisal Wasaaraha ayaa la arkaayay isagoo ku rucleynaya Garoonka Stadium Muqdisho, xilli uu barbar ordaayay Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Nicolas Berlanga. Ururka Midowga Yurub ayaa Dowladda Somaliya ka caawiyay dhaqaalaha ku baxay dib u habaynta ballaaran ee lagu sameeyay garoonka, oo burbur lixaad lixi ka soo gaaray dagaaladii Muqdisho. Wakiilka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururka Midowga Yurub uu gacan ka gaysto soo noolleynta Garoonka Stadium Muqdisho. "Midowga Yurub wuxuu ku faraxsan yahay inay gacan ka gaysteen dhaqancelinta. Waxaan ku faraxsanahay inaan helno sababihii caadiga ahaa, lagana gudbay bahdilaadda. Ra'iisal Wasaare waad ku mahadsan tahay oradkaagii galabta." Ayuu yiri Wakiilka Midowg Yurub oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka. Ra'iisal Wasaare Khayre ayaa qoraal uu isna soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu u qornaa "Somaliya waxay u baahan tahay Wada-hawlgalayaal ina garab taagan waqtiyada adag iyo waqtiyada wanaagsanba, kuwaa oo wadaagga himilada xasiloon, barwaaqo iyo midnimaba. Taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ayaad ku aragtay garoonkan burburka illaa dayactirkan cajiibka ah. Orodkeygii ugu horeeyay ayaa halkan waxaa i garab socda Nicolas Berlanga." Bahda cayaaraha ayaa si diiran u soo dhaweysay dib u hawlgelinta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, oo ah kan dalkeena ugu weyn.        

Xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip