HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-JUNE-2020

0
Saturday June 06, 2020 - 09:35:48 in Wararka by
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-JUNE-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tal laalka Aduunka ee 2020-ka,kaas oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, isla mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tal laalka Aduunka ee 2020-ka,kaas oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, isla markaana uu shirguddoomin ayey R/Wasaare Boris Johns on. Madaxweyne Farma ajo ayaa xusay inay tah ay tallaabo lagu farxo in Soomaaliya ay qeyb ka tahay isbaheysiga ar rintan ku howlan. "Sharaf weyn ayay ii tah ay inaan ka qeyb galo shirk an fogaan aragga ah ee ku saabsan tallaalka adduunka ee ay martigeli say dowladda UK ee uu hogaaminayo Ra'ii sul Wasaare Boris Johnson, GAVI waa iskaa shi ammaan mudan oo isbaheysi dowlado ah, hay'ado caalami ah, shirkado dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay, si ay u soo saar aan tallaal looga hortagayo cudurka". "Soomaaliya waxa ay ku faraxsantahay in ay qeyb ka tahay isbaheysigan tallaalka si loo helo bulsho siman oo bad qabta iyo ho rumar waara oo ay helaan, kuweena ugu nu gul ee adduunka hareeraheeda joogo, ka hortagga ayaa mar waliba ka wanaagsan da weynta". Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha dalka ayaa yiri "Waxaan soo dhaweynayaa oo aan taageerayaa isba heysiga tallaalka dadaalka ay ugu jiraan inay diiradda saaraan dardargelinta in tallaal loo helo COVID-19, aniga oo ku baaqaya in talla alka uu noqdo mid la helo karo, gaar ahaan inay heli karaan kuweena aadka ugu nugul".
Soomaali lagu maxkamadeynayo dalka Talyaaniga

   Xeer Ilaalinta guud ee magaalo dhacda Waqooyiga gobol lagu magacaabo Emelia-Romagna ee dalka dalyaaniga, ayaa dalaba tay in la maxkamadeeyo 4 ruux oo ay ku jir aan Soomaali.

    4ruux ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiy aan, waxaana Xeer Ilaal inta gobolkani ay dalbat ay in dacwad ka dhan ah lagu soo oogo, taas oo isugu jirta taageerada A-Shabaab-ta ka dagaalanta gudaha Soomaa liya,iyo Jabhadda ONLF oo hadda loo beld elay xisbi siyaasadeed, iyo in ay si sharci da rro ah u tahriibiyaan dadka doonaya in ay ga laan qaaradda Yurub.

    Codsiga Xeer Ilaalinta ee maxkamadayn ta 4-ta ruux ayaan weli la aqbalin, balse wax aa sheegay in 4-ta eedaysane ay gacanta u gu jiraan maamulka Magaalada Bologna oo ah halka saldhigga u ah Xeer Ilaalintan dal banaysa maxkamadeyntooda.

Galmudug oo la wareegtay Ciidamo & Gaadiid dagaal

     Wasaaradda Amniga gudaha Maamulka Galmudug ayaa Shalay la wareegtey gadiid dagaal & Ciidankii saarnaa oo diyaar u ah sida ay sheegtay Wasaaradda in la xar eeyo ayna ka mid noqdaan Ciidamada dara awiishta Galmudug. Munaasabad ay goobjo og ka ahaayeen Odoyaal dhaqameedka ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaas ayaa si rasmi loogu wareejiyey gaadiid gaaraya 5 gaari oo qoryaha dagaalku ay saaran yihiin iyo Ciidankii saarnaa oo gaaraya 83 askari.

    Wasiirka Amniga oo goobta ka hadlay ay aa ka mahad celiyey isxilqaanka odoyaasha dhaqanka iyo taageerada ay u muujiyeen dawlad Goboleedka Galmudug.

     Sidoo kale waxaa uu adkeeyey in Ciidaa madaan iyo gaadiidkoodaba ay mas’uuliyadii sa la wareegtey wasaaradda Amniga Guda ha, ayadoo lagu xarayn doono Dugsiga tab abarka indha-qaris.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Afrika

    Kooxo Burcad K/Afrkaan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay Shalay ku dileen muwaa din Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ga nacsi ahaan u tegay dalkaas oo muddo ku noolaa,iyaga oo goobta ka baxsaday.

     Muwaadinka Soomaaliye ed oo lagu mag icaabi jiray C/kariin C/lle Caddaan ayaa xil liga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Xaaf ada Phillipi Lower oo hoos tagta M/Cape To wn ee dalkaasi Koonfur Afrika.

    Maxamed Maalin oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa she egay in ka hor dilka muwaadinka Soomaali yeed uu dagaal ka hadal ah dhex-maray Nin madow K/Afrikan ah,waxaana Ninka madow ga ah uu soo qataay qoray,isaga oo dhowr xabadood ku dhuftay muwaadinka Soomaal iyeed.

     Ciidamo ka tirsan Booliska K/Afrika ayaa gaaray halka uu dilkaka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen nin ii ka dambeeyey dilkaas,wal ow aysan ku guuleysan inay qabtaan.

     Dalka K/Afrika ayaa waxaa aad loogu dhi baateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Ko oxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan han tidooda.

Taliyaha Ciidanka xoogga oo abaabul dagaal ka bilaabay G/Hiiraan

     Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soom aaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Habeen hore soo gaaray M/ Beledwey ne ee Xarunta G/Hiiraan,iyada oo halkaasi     siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliye Odawaa ayaa maalmahaan waxaa uu kormeero kala duwan ku marayay Xerooyin ka C/D/Galmud ug,wax aana safar dhinaca dhulka uu uga yimid Magaalada Dhuusamar eeb.taliye Odawaa ayaa Habeen hore kul amo gaar gaar ah waxaa uu la qaatay sara akiisha Ciidamada millateriga Soomaaliya ee qeybta 27aad kuwaas oo ku sugan M/Bel edweyne,isaga oo kala hadlay la-daga alanka Al-Shabaab.

    Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Taliye Odawaa ku tago M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan tan iyo markii loo Magacaabay tali yaha Ciidamada oogga dalka Soomaaliyeed.

Q/Midoobey oo sheegtay in dad ku dhow 1 Milyan oo qof ay saameeyeen fatahaado

     Hay’adaha samafalka ee ka howlgala So omaaliya waxay ku dhawaqeen Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha ee Soomaaliya (2020 Somalia Flood Response Plan) oo ga can ku siinaya DFS & Dowlad goboleedya duba iney ka jawaabaan baahiyaha dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ay saameeyeen fat ahaado iyo daadad ka dhashay roobkii Gu–ga ee sannadkan.

      Laga soo bilaabo bishii Abriil, fatahaada hani waxay sababeen barakac ballaaran, dhi masho, burbur hantiyeed iyo weliba waxyee llo soo gaartay kaabayaasha, waxayna sa ameyn ku yeesheen ilaa 29 degmo ka tirsan wadan ka.

415,000 oo qof oo ka mid ah 918,667-da qof ee ay saameeyeen fata haadahani waxay ka barakaceen guryahoo da. Ugu yaraan 29 qofood ayay dileen roob abkani.

     Hay’adaha samafalku ayagoo kaashanaa ya DFS & dowlad goboleedyada ayay sara u qaadeen howlaha gargaarka. Qorshahan ka falcelinta Saameynta fatahaadaha wuxuu ku kacayaa adduun lugu qiyaasay US$59.85 Milyan oo lugu howl gelayo muddo saddex bilood ah.

    Qaybaha wax looga qaban doono qorsh ahan waxaa ka mid ah dhanka hoyga, garga arka aan cunnada ahayn, biyaha/adeegga fa yadhowrka ee 400,000 oo qof, waxaa sidoo kale lagu dayac tiri doonaa agabyadii kala duwanaa ee burburku soo gaaray ee ay isticmaali jireen bulshooyinka danyarta ah.

Howlahan waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 277 kaam. Qorshani wuxuu sidoo kale garga ar cunno oo degdeg ah gaarsiin doonaa ilaa 200,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fat ahaaduhu saameeyeen halka adeeg caafi maadna ay heli doonaan dad gaaraya ilaa 300,000 oo qof


Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil oo Muqdisho lagu Aasay

       M/Muqdisho ayaa waxaa Shalay lagu Aas ay Alle ha u Naxaristee fannaankii Caanka ah aa ee Hobolada Waaberi Cabdi Tahliil War sa me,kaas oo muddo ku xanuunsanayay M/ Muq disho, hayeeshee Habeen hore geeriyooday. Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Khabuur aha Dugsiga Tababarka ee iskuul Bulusiya , waxa ana ka qeyb galayAaskiisa  Golaha Ab waaniin ta Somaliyeed, Qoyskiisa iyo qaar ka mid ah Bulshada ku nool M/Muqdisho.

      Qaar kamid ah Xubnaha G/Abwaaniinta So omaaliye ed oo ha dalo ka jeediyay goobta Aaska ayaa waxaa ay sheegeen inuu ahaa Ca bdi tahliil Nin qaali ah oo ka baxay Fanka Soo maaliya,iyaga oo Alle u ga baryay in Naxariista Janno uu siiyo. Sidoo kale Fannaaniinta ka qe yb galay Aaska ayaa waxaa ay uga tacsiyade eyay Shacabka Soma liyeed iyo Ehelladiisa Fannaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil War same oo Muqdisho ku gee riyooday.

AUN Cabdi Tahliil Warsame: Taarii khd iisii  aneed

     Cabdi Tahliil Warsame wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta ugu caansan Soomaaliya Cabdi Tahliil Warsame ayaa Habeen hore ku geeriy ooday M/Muqdi sho oo uu in muddo ahba ku xanuusa naa.

     Sannadkii 1952 ayuu marxuumka ku dhash ay Wardheer. Aabbihii Tahliil Warsame Cigaal wuxuu ka mid ahaa ciidammadii xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Cabdi wuxuu fanka ku billaabay inuu Giitaar tumo. Isaga oo weli barta balse aan darajo fii can ka gaarin ayuu dhammaadka sannadkii 19 68 waxa uu markii 1aad qaaday heesta.

"Jirjirkiyo dartaa baan

Jeegada u aalla

Jalkii qaadan waayey"

Waxaa heestaasi allifay Su lub Cumar Axmed oo lagu xasuusato qisooyin ka fan eed ee jacay lka salka ku haya ee suuga anta Soomaalidu in badan ay tebisay.

   Waxaana ugu xigay shan hees oo uu dham manatood isaga laxameeyay midkastana ay caan noqotay kuwaasi oo kala ah:

    Onkod

    Xoodaamo

    Yaxyax

    Wardheer

    Gaaraabidhaan

    Cabdi Tahliil Warsame , isaga oo fannaan ah, ayuu sannadkii 1971 oo ahayd markii ugu hor reysay ee la furay tartankii heesaha hirga lay wuxuu ka mid noqday fannaaniintii lagu fur ay tartankaasi. Fannaaniinta kale ee kala qeyb qa adatay tartankaasi waxaa ka mid ahaa; Cu mar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jec el/Xarrago,Xasan Aadan Samatar, Cabdi Xas an Dige, Muuse Ismaaciil Qalinle , Muxsin Maxamed Cabdalle oo isagu hore Ethi opia uga he esi jiray iyo Ruqiya Cali Guutaale. Gaarkiis ay uu u heesayay

   Tartankaasi ka dib,Xasan Aadan Samatar oo keliya ayaa loo qaatay kooxdii Waaberi, ka di bna Cabditahliil si gaarkiisa ah ayuu u heesi jir ay.Ka dib W/Maaliyadda ayuu shaqaale ka noq day, isaga oo noqday maamulka xisaabaadka G/Bari, waana sababta uu uga heesay hanna anka shaqo ee xafiisyada dowladda iyo nida amka loo baahanyahay in dadka loogu adego.

    Mar kale wuxuu fanka Cabdi Tahliil sii laba kacleeyey markii ay soo baxday heesta " May hiilinaysaa" oo ay wadaqaadeen Shankaroon Axmed Yusuuf (Sagal),waxaana erayada hees taasi lahaa Abwaan Maxamed Aadan Dacar. Fan ahaan wuu iskufillaa madaama uu ahaa Mullaxan iyo Kabaniiste heesihiisa isagu tum an kara.

    Cabdi Tahliil heesaha uu qaaday badankoo da waxay ahaayeen kuwa keli-keli ah, marka laga reebo in kooban oo uu la qaaday Marwo Maxamed Cabdi, Shankaroon Axmed Yusuuf iyo Faadumo Duur oo ay iyada kuwada noolaa yeen G/Bari ka hor intii aysan Faadumo u soo wareegin kooxdii Heegan ee ciidanka Booliska.

Kooxda Waaberi

     Cabdi Tahliil Warsame wuxuu la shaqeeyey kooxdii dhallinyarada ee Danan, ka dibna hor raantii 80maadkii ayuu ku biiray kooxda Waab eri. Waxaa mar kasta fankiisa Udub dhexaad u ahaa ka heesidda Waddaniyadda sida heestii sa " Soomaaliya Soomaali baa leh" Waxayna waddaniyaddu ahayd wixii u dambeeyey ee uu ka heeso sannadkii 2008 oo uu soo saaray Heesta.

Taariikhaha is guray

Gudubtada xilliga

Haddii maanku gudhay

Gefka lama saxee

Go'eey yaa ku jiray ?

Lixdankii Gobaad

Waatii loo godloo

Habeen tagay geeddii

Geblo loo tumoo

Gool loo qalee

Gobanimadayada wixii naga gambiyey

mala garanayaa?.

Carruurtiisa

    Cabdi Tahliil wuxuu dhalay 17 ubad ah, oo 13 ka mid ahi ay hadda noolyihiin kuwaasi oo 4-ka mid ahi ay fannaaniin yihiin (Maslax, Sam sam, Muuna, Xamdi )

    Sannadkii 2000 markii uu socday shirkii So omaaliya dowladnimada loogu raadinayey ay uu Cabdi Tahliil ku xanuusaday M/Carta ee dal ka Jabuuti, xanuunkaasi oo marxalado kala du wan la soo maray ayuu ugu dambayntii 20 sa nno ka dib ugu geeriyooday Muqdisho. Alle ha janneeyo.

Hiba Nuura oo ka hadashay geerida Cabdi Tahliil Warsame

    Fannaanadda caanka ah ee Soomaaliyeed, Hiba Maxamed Cuddoon (Hiba Nuura) ayaa ka tacsiyadeysay geerida naxdinta leh ee ku timid hobolkii weynaa ee Soomaaliyeed, Cabdi Tahliil Warsame.

     Marxuumka oo in muddo ahba ku xanuuns anaa M/Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaa fay ku geeriyooday Isbitaalka Xaawo Cabdi, oo ku yaala agagaarka Isbitaal Banaadir ee D/Ho dan. Hiba Nuura oo Cabdi Tahliil ay ka wada ti rsanaayeen Fannaaniintii Qaranka ee xilligii be rri-samaadka ayaa sheegtay in mar qura loo soo sheegay dhawr tacsi, oo midda Cabdi Tahl iil ay ka mid tahay. "Imikadaa aad i soo wac day baa Xamar la’iga soo wacay, meel kale la ’iga soo wacay, meel kalana la’iga soo wacay. Afar tele foon baa igu kulmay. Cabdi mud daba dhul yaal buu ahaa, wuxuu ahaa nin ad duuny ada lagaga meyray dembiga oo dhan. Maalinti isii buu dhintay, maalin wanaagsan oo Jimco ah buu dhintay, dembi oo dhan ma lahe ynee.” Ayay tiri Hiba Nuura.

    Hiba Nuura oo la hadashay Laanta afka So maliga ee BBC ayaa tiri "Ilaahay waxaan uga baryeynaa Casawajalaha ee ina abuurtay inuu Janada geeyo, Ilaahay inuu marti la jecelyahay ka dhigo.”

     Hadalkeeda oo laga dhadhansan karay si da ay uga naxday geerida ku timid marxuumka ayaa tiri "Ilaahow kitaabkiisa midigta ka sii, Il aahow intuu dhalay, intii la dhalatay, anaga iyo umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan na ga sii. Walaahi tacsi baa is wada daba-taala, hadda 4-tacsi oo kale oo 2 Corona yihiin baa hadda igu korodhay. Anigoo dhan waan iska naxsanahay.”

      Mar wax laga weydiiyay wixii ay ka taqaan ay marxuumka ayaa waxay ku jawaabtay "Ca bdi wuxuu ahaa nin wanaagsan oo Soomaali ah oo wadani ah. Markuu heesi jiray waxaad ka garaneysaa wadaniyadda heerkuu ka gaar ay. Nin weliba wuxuu qaadaa ama uu sheegaa wuxuu dareensan yahay, buuna doon doon taa, marka nin Soomaali ah oo wadani ahoo, af gaaban, edeb leh oo dadka ammaan ka he lo, oo yaqaana asxaabtinimada ayuu ahaa. Shalay adduunyadu wuu ka tagayee Janada Allaha geeyo, taasaa ugu muhiimsanee.”

Dowladda Somalia oo ka tacsiyeeysay geerida Fanaankii Cabdi Tahliil

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay Geerida xanuunka badan ee ku timid allaha u naxariistee hobolkii Qaranka Cabdi Tahliil War same oo Habeen hore ku geeriyooday M/Muq disho.

War kasoo baxay W/Warfaafinta aaa lagu yiri waxaan Allah uga ba ryaynaa Ehelka marxuum ka iyo guud ahaan ummadda So omaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

    Allaha u naxariistee Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo dhowr sano ah ku xan uunsanayay M/Muqdisho isaga oo ugu dambe yntii ku geeriyooday Isbitaal si deg deg ah lo ola cararay.


Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Muddo Xileedka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Furmaya

    Kalfadhiga Xildhibaanada B/Somaliya ayaa maanta lagu waddaa inuu ka furmo M/Muqd isho.Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ka jeedin doona Kalfadhi ga Khudbad dastuuri ah, waxaana uu uga ha dli doona waxyaabihii u qabsoomay.

Gudoomiyeyaasha baarlamaanada ma amul goboleedy ad da ayaa lagu casuu may inay ka qeyb ga laan Munaasaba dda furitaanka.

    Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay. Waxaa xusid mudan in Kalfadhiggaan uu yahay Middkii ugu dambeey ay ee Xildhibaanada baarlamaanka Soomaal iya oo Muddo xileedkoodu ku eg yahay Bisha December ee soo socota.

SOMA oo dalbatay in Wariyeyaasha loo ogo laado tebinta Wararka Furitaanka Kalfa dhiga labada Aqal

    Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SO MA  ayaa ugu baaqay Guddoonka  2da Aqal ee Baarlamaanka FS inay ka laabtaan go’aank ooda ay ku joojiyeen in Warbaahinta  madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tebi yaan furitaanka  kalfadhiga 7aad ee maanta ka furmaya Muqdisho.

    Xoghayaha Ururka Warbaah inta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed C/lwahaab C/hi ayaa sheegay inay ka xun yihiin tilaa bada ay qaadeen Mas’uuliyiinta 2da Aqal ee Warbaahinta looga horjoogsaday tabinta Wararka Kalfadhiga.

    Waxaa uu sheegay in Warbaahinta Madaxa bannaan ay xaq u leedahay in ay hesho Warar xaqiiqo ah oo Madax banaan, islamarkaana ay san sharci aheyn in Kalfadhiga Xildhibaanada laga hor istaaggo ,maadaama uu baarlamaan ku yahay Matalaha Shacabka.

    "Haddii aan nahay Warbaahinta Soomaaliye ed Waxaan ka codsaneynaa dowladda gaar ah aan maamulka baarlamaanka inay arintaasi dib uga laabtaan, Warbaahinta gaarka loo leey ahay waa tan bulshada u gudbisa xogaha muh imka ah, sida aan ognahay baarlamaanku waa matalaha Shacabka,marka in laga mamnuuco inay soo tabiyaan kulanka Muhiimka ee furma ya waa wax ay warbaahinta Soomaaliyeed aad uga xun tahay aana Sharci aheyn”ayuu yiri Xo ghayaha SOMA Maxamed C/lwahaab C/hi

    Waxaa xusid mudan in Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka  maamulkooda uu joojiyay in  warba ahinta madaxa-bannaan ay soo  tebiyaan fa dhiyadooda.

   Horay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo si doo kale xarumo kale oo dowladeed ayaa qa aday tilaabadda ay qaadeen Xildhibaanada 2da Aqal ee B/Soomaaliya ee ah in Warbaah inta Madaxa bannaan laga horjoogsado tabin ta Wararkoda gaar ahaan furitanka kalfdhiga.

C/kariin Xuseen Guuleed oo ku dhawa aqay Xisbi siyaasadeed, kana mid noqonaya…

     Siyaasiga C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Wasiir iyo Madaxweyne Maamul goboleed ayaa ku dhaw aaqay Xisbi siyaasadeed cusub ee oo same eyay, kaasoo uu Gu ddoomiye ka yahay. Xisbigan ay aa la magac baxay SAHAN, wax aana la filaya inuu ka mid noqdo axsaabta si yaasadda ee dalka marka la diiwaan geliyo, lana siiyo shahaadada kumeel gaarka ah.

      War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Sahan ayaa lagu sheegay inuu u furan ya hay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ay na ahmiyad siin doonaan dhalinyarada Som aliyeed, lana qaban doono shirweynahisa.

    Md.Guuleed ayaa tan iyo markii sanad ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee dhinaca siyaasadda ay is ba heysi ka ahaayeen, waxaa ku jiray damac si yaasadeed, gaar ahaan u tartanka xilka ugu sareeya dalka.

    Mr Guuleed ayaa ka mid ahaa saaxibada waa weyn ee Madaxweynihii hore ee Xasan Sh.waxaa labo jeer uu noqday Wasiirka Arr imaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, xilligii uu talada dalka hayay Xasan Sheekh, 2014 ayuu iska casilay xilka Wasiirka Amniga, ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta Baarlama anka, sidoo kale sanadkii 2015 bartamahee da ayaa loo doortay Madaxweynaha Maam ulka Galmudug, iyadoo uu sanadkii 2017 hor aanteeda iska casilay sababo caafimaad dar teed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo magacaabay Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka

   Muqdisho:-Wasiirka Warfaafinta XFS Md. Ma xamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa C/fataax Daahir Jeyte u magacaabay inuu noqdo Maar eeyaha WMQ Soomaaliyeed.

   Maareeye Cabdifataax Daahir jeyte ayaa be delaya Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo dhawaan ku geeriyoodey M/Muqdisho.

Md.Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaali ya ayaa faray agaasimaha guud iyo agaasime waaxyeedka kale inay la shaqeeyaan Maaree yaha cusub,si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.

C/fataax Daahir jeyte ayaa horey u soo noqd ay agaasimaha RadioMuqdisho,iyadoo si doo kale wuxuu shaqooyin kale duwan uu ka soo qabtay qeybaha warbaahinta Qaranka.

Xigasho:-sonna.so

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hor-yimid Ruqsad-siinta Shirkadaha Isgaarsiinta

     Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS Md.Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hor-yim id warqad uu soo saaray Maar eeyaha Hey’ ada Isgaarsiinta Qaranka oo ahaa in Shirka daha Isgaarsiinta dalka ay qaataan Ruqsada ha Isgaarsiinta.

   Qoraal ka soo baxday Wasi irka Boostada iyo Isgaarsiinta, laguna socodsiiyay Shirkada ha isgaarsiinta Hormuud, Somtel, Golis, Telsom iyo Amtel ayaa lagu sheegay in rukh sadaha uu soo saaray Maareeyaha ay san waafaqsaneyn sharciga Isgaarsiinta oo ay san ku dhaqmi karin Shirkadaha.

      Wasiirka ayaa sheegay in in arrintan loo ga doodi doono kulanka ay soo qaban qaabi say WBI&T ee ay isugu imaanayaan Shirka daha Isgaarsiinta, Hey’adda Isgaarsiinta Qar anka, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo WBI&T. kaasoo Muqdisho ka dhici doona      15-ka illaa 16-ka bishan June 2020.

     Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ah Hey’ad u madax banaan fulinta howlaha loo igmaday oo ay ku bixin karto ogolaanshaha ruqsadaha sida uu dhigayo qodobka 7aad ee Sharciga Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Ilo ku dhow dhow Maareeyaha Hey’adda Isg aarsiinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay Jow har.com in Maareeyuhu aaminsan yahay in ay howshiisa tahay bixinta ogolaanshaha ru qsadaha, isla markaana aanu wasiirka sh aqo ku laheyn, sidoo kale waxaa la sheega yaa in wadatashiga ay Wasaaradda ku lah eyd warqadas la marsiyay,laguna ogeysiyay.

    Inta badan shirkadaha Isgaarsiinta ayaa u hoggaansamay Warqadii ka soo baxday Ma areeyaha, iyagoo shubay lacagtii laga rabay ee ogolaanshaha ruqsaddaha shaqo

Halkan hoose ka akhriso Warqadii wasiirka:-

 


DUULIYAHA JABUUTI: WAA KUMA DUULIYA HA GADOODAY EE KA SOO DHEX HADLAY XABSIGA JABUUTI


 


  Fu'aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay "cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,"sida ay qortay warbaahinta RFI oo isa ga soo xigatay.     Fu'aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cir ka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku "andacoona yaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro"

     Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

    Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi me gengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.  Ka dibna waxaa bi lowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.

TAARIIKHDA FU'AAD OO KOOBAN

    Fu'aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay M/Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bar tay jaamacadda jibuuti.

   Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay 7 Carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

  Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye.4 sano ayuu halkaas ku maqna  

•2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.

  2014 waxaa loo diray K/Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa

•2019 ayaa 2 xidigle laga dhigay

•Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay

  Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya

• 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa she egtay inay "aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen" dow ladda Jabuuti.

   "Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, mar kuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo 4bilood ah ayaan mu shaar lama siinin," ayay hadalka sii raacisay.

  "Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxu una ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda", ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.

   Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: "Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa".

    Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, si doo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan.

    Bishii aynu soo dhaafay, qareen ay qoyskiisa u xilsaareen ayaa hel ay fursad uu ku booqdo xabsiga Gabood, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo markii si khasab loogu celiyay Jabuuti, sida ay werisay warbaa hinta RFI.

    Soo musaafurinta khasabka ah ee Itoobiya ee Fu'aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanaya qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayaan in duuliyaha uu haslis ugu jiro in la gu dhibaateeyo gudaha waddankiisa.

     Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siy aasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u cel inta Fu'aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday.

Dibadbaxyada lagu dalbanayo sii deynta Fu'aad

   Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa Shalay deggan ka dib markii ay Dorraad halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caray san askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dal ka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti.

    Wararka waxay sheegayaan in booliska ay tiro dad ah u qabqabate en inay banaanbaxyadaas mas'uul ka ahaayeen, "waxaana qaar ka mid ah dadkaas lagala baxay guryahooda, waxaana loo kaxeeyay meel ma gaalada ka baxsan oo xero ciidan ah oo la yiraahdo Nagaad," sida ay BBC u xaqiijiyeen dad ku sugan Jabuuti.

    "Dorraad iyo Habeen hore waxaa dhacay mudaaharaadyo foolxun oo dhibaato geystay," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh. Wuxuu intaa ku daray: "Dadweynaha waxaan ogeysi inayaa in marka mudaaharaad la sameynayo, dariiqyo loo maro uu lee yahay. Ruqsad baa la weydiistaa, dariiqaa baan marayaa baa la yiraahdaa, halkaa ba an gaarayaa baa la yadhaa".    Wasiirka ayaa isu soo baxyadii Dorraad ku tilmaamay "kuwa aan sharciyeysnayn oo dad badan ay wax ku waay een". Wuxuu tilmaamay in ay jiraan gawaari la jejebiyay iyo tukaanno la bililiqeystay.

    "Dadweynaha waxaan uga digeynaa in mudaaharaadyada ceynkaas oo kale ah aysan dib ugu noqon", ayuu u diray dadka.  Shalay waxaa qeyb ka mid ah M/Jabuuti lagu arkayay booliska ka hortaga rabshad aha si ay amniga u sugaan.

    Dowladda Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin arrintan balse wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa shaley bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dambi ay tahay oo lagu ciqaabo karo ciddii ku dhawaaqda kacdoon ama rabshado inay waddanka ka sameyso.

      Wuxuu intaas ku daray "Dowladda ayaa mas'uul ka ah amarka iyo kala dambeynta, waxayna xaqiijin doontaa in la xushmeeyo sharciga".

     "Cid kasta oo sharciga ku xadgudubta waala soo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa", ayuu yiri wasiirka arrimaha guda ha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

     Ma uusan soo hadal qaadin xarigga Fu'aad Yuusf Cali iyo waxa ay ka yeelayaan xaaladdiisa.

    Waxaa jiro warar sheegaya in dowladda Jibuuti ay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarig ga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu'aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay.

       Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa   qabsaday baraha bulshada. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray "caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdi isa." Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo ba lse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran.

    Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xa ley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo 3 gab dhood oo uu abti u yahay.

    Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin.XIGASHO:BBC

Jabuuti oo ka hadashay Bannaanbaxya da ku fiday gobolka Cali Sabiix

    Gobolka Cali Sabiix waxaa Shalay salaadda Jimcaha ka dib ka dha cay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhaw aan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.   Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jabuuti.

    Muddaaharaadyo noocan oo kale ah ayaa Dorr aad ka dhacay magaalada Jibuuti iyadoo dowlad da ay xabsiga dhigtay dhowr qof.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Jibuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha. "Nin kasta oo sharciga ku xadgubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xa dgubana isagaa yaqaanna” ayuu yiri Muumin

Jabuuti oo sheegtay in Fu’aad Yuusuf loo haysto inuu diyaarad milateri xadi rabay

    Qaar ka mid ah Gobolada dalka Jabuuti waxaa ka dhacay dibadba xyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo du ubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

     Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.

      Xeerilaaliyaha dalka Jabuuti ayaa sharci daro ku tilmaamay tilaabad da ay qaadeen dadka Banaanxyadda dhigay, islamarkaana Sharciga la marsiin doono. Waxaa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay Askariga xiran iyo waxy aabaha lagu soo eedeeyay.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in Fu’aad Yu usuf loo haysto inuu diyaarad milateri xadi rabay iyo inuu xiriir la sam eeyay dal Jabuuti ay cadaw yihiin.waxaa uu tilaamay inuu fu’aad mari doono Sharciga, islamarkaana laga doonaayo dadka reer Jabuuti in ay

kalsooni ku qabaan Garsoorka.


Gabadhii uu dhalay George Floyd oo farr iin murugo abuurtay usoo dirtay caalamka

     Gianna Floyd, oo 6 jir ah wali ma oga sababta rasmiga ah ee uu aabaheed u geeriyooday, laakiin waxay dunida u dirtay farriin mur ugo leh oo dad badan qalbiyado oda taabatay.

Ka dib markii ay fahantay sheekada ku saabsan aabaheed ee caalamka oo dhan qabsatay, hooyadeed ayaa u sheegtay in uu geeriyooday, sababtana waxay ugu soo kobtay inuu nefsan waayay oo kaliya .

Roxie Washington ayaa warbaahinta u sheegtay inay gabadheeda ka qarisay run ta ka careysiisay dhammaan dadka ku nool Mareykanka iyo qeybo badan oo ka mid ah caa lamka, si aysan maskaxdeeda dhibaato u soo gaarin.

     Iyadoo la hadleysay barnaamijka "Good Morning America" ee ka baxa Telefishinka ABC u sheegtay in Gianna ay aabaheed tabeyso, laakiin aysan ka war qabin inuu ku geeriyooday gacanta ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Minneapolis.

     Gabadha yar ayaa la weydiiyay su'aal ahayd waxa ay dunida u sheegeyso. Iyadoo ay murugo wajigeeda ka muuqato ayey su’aash aas uga jawaabtay jumladda ah "Waxaan robaa inay ogaadaan ina an u xiisay aabahay."



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip