Ahlu Sunna oo Galmudug iyo ciidanka Millateriga 21-aad ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen Dagaalkii Dhuusamareeb

0
Wednesday March 02, 2016 - 18:38:02 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo Galmudug iyo ciidanka Millateriga 21-aad ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen Dagaalkii Dhuusamareeb

    Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa Maamulka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inay qayb ka ahaayeen dagaalkii saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa Maamulka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inay qayb ka ahaayeen dagaalkii saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Ahlu Sunna waxa ay sheegtay dagaalkaasi inay qayb ka ahaayeen ciidamada Millateriga ee 21-aad kuwaasi oo ay sheegtay Ahlu Sunna inay ka soo duuleen Deegaanka Godinlabe.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow, ayaa sheegay inay cadahay dagaalkaasi inay qayb ka ahaayeen ciidamada Millateriga iyo kuwa Nabad Suggida Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay ciidamadaasi oo isa soo baheystay inay Afar jiho ka soo weerareen Magaalada oo dadka shacabka dushooda rasaas culus ay la dhaceen, balse waxa uu tilmaamay ciidamada Maamulka Ahlu Sunna inay u istaageen badbaadinta Bulshada ku nool Degmada Dhuusamareeb.

Khasaaro badan ayuu sheegay dagaalka inuu ka dhashay oo soo kala gaaray dhinacyadii Magaalada ku dagaalamay iyo dadka shacabka ah, balse wuxuu sheegay inay wadaan uruurinta macluumaadka la xiriira Khasaaraha dagaalka.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa tilmaamay Magaalada inay hada gacanta ku hayaan ciidamada Daraawiishta maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna, halka uu ku sheegay ciidankii uu watay Liibaan Madaxweyne in Banaanka looga saaray Magaalada.

Majirto ilo ka madaxbanaan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe oo xaqiijinaya in dagaalkaasi ay qayb ka ahaayeen ciidamada Galmudug iyo Millateriga 21-aad ee Xooga dalka Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip