Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho oo la soo geba-gabeeyay (SAWIRRO)

0
Thursday May 28, 2020 - 06:59:57 in Wararka by
  • Visits: 3071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho oo la soo geba-gabeeyay (SAWIRRO)

    Muddo dheer oo dib u dhis iyo dayactirba lagu waday Garoonka Stadum Muqdisho ee Magaalada Muqdisho ayaa la soo geba-gabeeyay shaqadii adkeyd ee dib loogu hagaajinayay. Garoonka Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayaa burbur xoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo dheer oo dib u dhis iyo dayactirba lagu waday Garoonka Stadum Muqdisho ee Magaalada Muqdisho ayaa la soo geba-gabeeyay shaqadii adkeyd ee dib loogu hagaajinayay. Garoonka Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayaa burbur xoogan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo dagaaladii Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ururka Al Shabaab. Garoonka oo sideed sano in ku dhow ay deganeyd Amisom ayaa siyaabooyin kala duwan loogu ekeeyay madaafiic ay Shabaabku ka soo tuureen goobo kala durugsan. Dib u dhiska xilligan lagu sameeyay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa maalgeliyay Ururka Midowga Yurub, iyadoo loo sii marayo hay'ado maxali ah oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkado madani ah, inkastoo Injineero Caddaan ahi ka qayb qaateen dib u hawlgelintiisa. Cayaaro badan oo indhaha dunida soo jiitay ayuu martigeliyay garoonkan, ka hor xilligii burburka, in dib loo hawlgeliyana waxaa ay calaamad u tahay dib u soo kabashada Somaliya. Madaxda Qaranka ayaa la fillaya in ay dhawaan xariga ka jaraan furitaanka Stadium Muqdisho, oo bahda cayaaruhuna ka faa'iideysan doonto.
           


Xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip