Hirshabeelle: 4 Gu' Ka GADAAL Caqabado iyo Casharo (Faallo)

0
Wednesday May 27, 2020 - 18:24:56 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle: 4 Gu' Ka GADAAL Caqabado iyo Casharo (Faallo)

    Oktoobar 2016 ayaa maamulka Hirshabeelle u dhammaystirmeen hay'adihiisa, Madaxweynihii markaas la doorta Cali Cosoble waxa uu ku baxay sannad kadib mooshin iyo is faham waa, tan iyo markaas maamulka waxaa la dhihi karaa Maamul goboleedka ugu lii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oktoobar 2016 ayaa maamulka Hirshabeelle u dhammaystirmeen hay'adihiisa, Madaxweynihii markaas la doorta Cali Cosoble waxa uu ku baxay sannad kadib mooshin iyo is faham waa, tan iyo markaas maamulka waxaa la dhihi karaa Maamul goboleedka ugu liita 5 ta maamul federal ee dalka. Qoraalkan kooban maaha cilmibaaris, waa aragtidayda qofeed wixii qasboomay, sababta ay u qabsoomin, waxa hadda la qaban karo iyo casharada ay tahay in lagala baxo dhacdooyinkii dhacay. Caqabadihii ka hor yimid.: Caqabadaha oo badan awgeed aan ku soo koobo intan hoose: B) Musiibooyinka Dabiiciga ah & Colaadaha: Shacabka Hirshabeelle sannadka intiisa horena oon ayaa dila, inta danbena biyo ayaa harqiya oo daadka fatahaadaha ayaa dhaqaale burbur, qax, macluul iyo cudurro sababa. Qorshe xumo heerkii u xumaa ayaa jira, waxaa xusid mudan Fatahaaddii Baladwayn 2019 lacago malaayiin dollar ah ayaa Soomaali iyo shisheeye ba ku bixiyeen gurmadka, nasiib darro 6 bil ka dib fatahaad kale ayaa dhacday! Xanuunka safmarka ah ee covid19 oo aan dalka iyo dunida kala simannahay Hirshabeelle ahaan waa caqabad kale oo xaaladda sii murjinaysa, ku darso isbitaallada dawladda ee Jowhar iyo B/wayn wax adeeg ah ma siiyaan bulshada. Isbitaalka Gobolka Sh Dhexe waxaa ku hawlgala Hay'adda Inter-Sos oo tan iyo burburkii joogtay, halka kan Baladwaynna maamulkii loo magacaabay ku shaqayn waayay. T) AMNIGA :

Deegaannada oo aan amni ahaan xor ahayn waa caqabad 1-aad ee daadajinta nidaamka hortaagan taas oo keentay in maamulku fadhiid ku noqdo Jowhar, waxa ay dhibta u wayn ka sii jirta in maamulku dhisan ciidamadii uu Dastuurka dalka u oggolaaday.

Qeybo ka mid ah G/Hiiraan waxaa ku soo laablaabta dagaallo u dhaxeeyo beelo, inta badan dirirta waxa ay salka ku haysaa lahaansho dhuleed iyo khayraad. Madaxdii loo dhaariyayna waxa ay ku hawlanyihiin hanti urursi iyo kooxaysi.

Sh/Dhexe colaado soo noqnoqday ayaa Jowhar, Warsheekh & Cadale ka dhacay tan iyo dhismahii maamulka, arrintan o oleh taariikh hore haddana maamulku dib u heshiisiin kama danbays ah uma samayn beelaha, lamana dhisin is aaminaaddoodii.

J) Baarlamaan aan awood lahayn & Xilal tirobeel ah oo tayo yar:

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle waa 117 Sida ku cad heshiisyada beelaha deegaanku galeen, walaw Dastuurka iyo KMG ah lagu qoray mar sii horraysay 99 Xildhibaan

Tan iyo dhismahii Hirshabeelle 2016 waxaa taagnaa aaminaad darro, maamul xumo, iyo gaabis xagga shuruucda ah, baarlamaanka waa halka nidamka dawladnimada lagu dul dhiso, isla xisaabtankaan u ah asaas.

Hirshabeelle 4 dagmo ayaa loo magacaabay, iyada oo aan la qiimayn waxa ay uga dhiganyihiin maamulka waana Feerfeer, Buq-aqable, Buurwayn iyo Muqakori.

Xilalka gudoomiye degmo, Gobol, wasiir iyo la taliyayaal ba laguma magacaabo aqoon iyo karti shaqo ee qancin qabiil iyo mararka qaar kooxaysi ayaa lagu magacaaba, muddo kooban gudaheedna waa la badalaa.

KH). Dhaqaalaha:

Kaabayaasha dhaqaale ma dhisna, waxa ay na kala mid tahay deegaannada dalka badankood, waxaase xanuun inteeda la eg ah in Maamulku lahayn canshuur midaysan, oo si maalinle ah loo kala qaato baraha maaliyadeed ee ay lacagtu ka soo gasho.

Hay’adaha caalamiga ah ee taageera maamulka waxa ay dhib wayn ku qabaan daahfurnaan la’aanta maamulka oo aan adeegsan nidaam maaliyadeed oo dhexe, waxaana lacagaha lagu adeegsada akoonno shaqsiyadeed.

  1. Bulshada Rayidka Hirshabeelle:

Bulshada rayidka, waa cidda ilaalisa una doodad xuquuqaha muwaadinka. Dawladana kula xisaabtanta dhaqangalinta ballanqaadyada iyo dhisidda shuruucyo dhiirrogelinaya wadajirka bulshada.

Si guud, bulshada rayidka xilligan waa amr ay awooddoodii wiiqantay waana markay ugu tabar daranyihiin taariiqda bulshada rayidka soomaaliyeed wixii 1991 ka danbeeyay, Hirshabeelle na kuma sii jurto haddii aysan ugu hoosayn ba, waxaa la dhihi kara dhaqdhaqaaq bulsho rayid kama jiro.

Ururada Dhallinyaada, waxgaradka, culumada, haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada waa dadka ay tahy in ay dawladda ku taageeraan abuurista jawi dawladeed, cadaalad asal u taahy oo dimuqraadiyad ah.

  1. CASHARRO

Casharka 1-aad: Dib u heshiisiin tii la dacayan in dib loo bilaabo, inta badan colaadaha deegaanku wajahayo waa kuwo qabiillo, sababaha hakala duwanaadaane. Waa in darsi wayn laga qaato sida colaad beeleedyadu u saameeyeen fadhiidnimada maamulka.

Casharka 2-aad : Maamul wada shaqayn kara: Waxaa maamulka lugta ku dhagganaa isfaham darro madaxda sare ee Hirshabeelle u dhaxaysay oo gaartay in maamullada la magacaabo isla bilo gudahood la badalo si loo qanciyo tiro xildhibaanno ah oo marba xil gaar ah kusoo duulaya.

Casharka 3-aad: Daadajinta dawladnimada heer deegaan/tuulo:

Dhisidda golayaal deegaan, waa mid ka mid ah daadajinta maamulka, haba yaraatee waxba kama qabsoomin, fursad wayn ayaa loo haystay dhisidda hannaankan iyada oo laga hormarinaayo dib u heshiisiin oo ay beelaha u wada heellanyihiin.

Casharka 4-aad : Dhisidda kaabayaal dhaqaale & dhiirrogelinta maalgashiga

Kobcinta wax soo saarka: Beeraha & xoolaha waa isha 1-aad ee Hirshabeelle dadkeedu ku tiirsanyihiin, tiro kale oo kaluumaysato ah ayaa jirta. Deegaannada maamulku haysto waxaa fursad loo helayay in maalgashiga la dhiirrogeliyo, mana jirto qorshe maalgelin oo la qoray sika daa fulintiisa’e.

Qurbajoogta maamulka kuma soo laaban deegaanka, waxaana loo aanayn karaa quusta ay ka qaadeen waxa ka soconaya deegannadoodii oo aysan u quuri Karin naftooda iyo maalkooda.

  1. Diyaargarowga Doorashooyinka 2020

Dalka xilli xasaasi ah ayuu marayaa, Maamulka Hirshabeelle na waxaa ka dhammaanaya xilligii sharciyadda afarta sanno ee la doortay, waxaana waajib dastuuri ah doorasho ka bilaabmaysa xulista xildhibaannada ilaa soo dhisidda xukuumad dhammaystiran.

Dhibta u wayn ee doorashadan wajahayso, waa in Hirshabeelle beelaha saamiga ku leh aysan ku heshiin wax laysku ogyahay (Awoodqaybsiga qabaliga), waana midda xaaladda doorashada xumayn karta.

Heshiis bulsho waa dastuurka sida sharciga ah, walaw shacabka Hirshabeelle aysan u codayn dastuurka loo qoray, kala barna ay ku hoos noolyihiin meel ka baxsan awoodda maamulka, waxaa DFS uga aaddan in ay doorkeeda qaadato oo aan maamulkan lagu sii dayn doorashada, iyada oo isla jeerkaas la dhawrayo in aan odayaasha la qasbin oo ku shubasho dhicin.

TALOOYIN:

    1. QORIDDA iyo QAABAYNTA HIRSHABEELLE CUSUB: Aqoonyahanka Hirshabeelle waxaa mahuraana h in ay udub dhexaad u noqdaan samatabixinta deegaanka, dhisidda Hirshabeelle loo dhanyahay oo aragtiyo ku dhisan, haddii ay dhacdo in aqoonyahanku marti ka noqdo maamul dhisidda, dhibtu dhaqso ma xalismayso.
    2. Dib u heshiisiin dhab ah oo loo sameeyo beelaha deegaannada Hirshabeelle, dib u heshiisiin la’aan waxaa sii soconaya is aaminaad darrada hadda jirta.
    3. Qurbajoogta Hirshabeelle in ay qayb tooda ka qaataan maalgashiga Hirshabeelle, dhaqaaluhu waa jiritaanka maamul kasta.
    4. Tayaynta Hay’adaha ku shaqada leh ka jawaabidda musiibooyinka, macquul maaha in guddiyo aan aqoon iyo aragti ku dhisnayn la magacaabo marka musiibo dhacdo, waa in la helaa wasaarad hawshaas u diyaarsan qorshayaasheedana leh, halkii dhaqan NGO ga la dhex gelin lahaa dawladnimada.



Waxaa diyaariyay:


Khaalid Cilmi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip