Madaxweynaha Kenya oo amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo Shabaab la dagaalama (SAWIRRO)

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:00:28 in Wararka by
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo Shabaab la dagaalama (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo ka mid noqon doono ciidamada Booliska dalka Kenya, si ay u sugaan ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo ka mid noqon doono ciidamada Booliska dalka Kenya, si ay u sugaan ammaanka.

Ciidamadan 10-ka kun ee Askari gaaraya, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne Kenyatta inay muhiim u yihiin dalka Kenya, maadaama Kenya xilligan ay ku jirto dagaal adag oo dhanka ammaanka ku saabsan.

Tobankan Kun ee Booliska ah ayuu Madaxweynuhu sheegay in la doonayo inay qalin jabiyaan bisha February ee sandka 2017.

Madaxweynuhu wuxuu xusay inuu rajeynaayo in Kenya ay kasoo baxdo shuruuda Qaramada Midoobay ee ah in 400 ee shacab ahba ay helaan askari Boolis ah oo u adeega.

Uhuru Kenyatta wuxuu balan qaaday in Ciidamada Booliska iyo qooysaskooda loo dhisi doono guryo iyo isbitaal loogu adeego isagoo dhanka kale xusay in dowladu ku qasban tahay in Booliska ugu deeqdo qalabka ay ubaahan yihiin inay amniga dalka ku sugaan.

Dhanka la dagaalanka Shabaabka, ayuu sheegay ciidamadan inay muhiim u yihiin, maadaama Deegaano ka tirsan dalka Kenya ay ku yar yihiin ciidamada Booliska, halkaasina loo baahan yahay inay ka howlgalaan ciidamada.

Tallaabada uu amarka ugu bixiyay Madaxweyne Kenyatta in lagu dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari ayaa imaanaysa, xilli Kenya ay la tacaalayso suggida dhanka ammaanka.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Kenya wuxuu ka sheegay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 1976 askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa loo yaqaano GSU.

Uhur 1Uhur 2Uhur 3Uhur 4Uhur 5Uhur 6






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip