"Haddii ay dhacdo in la I dilo, waxbadan ha la ii soo duceeyo hana la sii wado in sadaqada la bixiyo si ay ii anfacdo maalinta qiyaamaha,”ayuu qoray Usama.
Usama ayaa ku sheegay in hantidiisa ay taal dalka Sudan,mana cadda in lacagta ay tahay mid caddaan ah ama ay ku jirto hanta kale. Waxana uu u qorsheeyay lacag gaareysa $29m (£21m) oo uu u qorsheeyay jihaadka.
Hogaamiyihii hore ee Al Qaacida ayaa muddo shan sano ah ku noolaa dalka Sudan gaar ahaan sagaashameeyadii waxana uu marti u ahaa dowlada Sudan.
Qoraalada la soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa qiimeyn uu ku sameeyay dagaalada ay dowlada Maraykanka ka waday dalka Afghanistan horumarka laga sameynayo dagaalka Afghanistan.
"Waxa ay u maleeyaan in dagaalka uu noqonayo mid sahlan ayna gaari doonaan ujeedooyinkoda maalmo qura ama toddobaadyo kooban,”ayuu qoray Usama.”Waxaan u baahanahay in aan samir yeelano oo aan u dulqaadano, guushana waan gaareynaa!”
Bin Laden ayaa lagu diley weerar ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka bishii May 2011 guri uu ka degenaa magaalada Abbotabad, Pakistan.Ururka Alqaacida ayaa tan iyo xilligaas waxaa hogaaminaya ku xigeenkiisii Ayman al-Zawahiri.
Usama Bin Laden oo $29m dhaxalkiisa ka mid ah ku dardaarmay in lagu bixiyo Jihaadka
Dowlada Maraykanka ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah dukumintiyo laga helay gurigii uu ka degenaa hogaamiyihii hore ee Alqaacid Usama Bin Laden dalka Pakistan,iyadoo dukumintiyadaa ay ka mid ahaayeen dardaarankii Usama Bin Laden.Qoraalada la helay w