Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:32:36 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Guddoomiye kasta uu mas’uul ka yahay amniga degmadiisa, isla markaana Guddoomiyaha degmada uu hoos imaan doono Taliyeyaasha booliska iyo Nabadsugida degmada.

"Guddoomiyaha degmada waxaa hoos imaanaya Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida degmada, sidoo kale shacabka degmada ayuu heystaa, waxaana lagula xisaabtamayaa amniga, hadii degmadiisa wax ka dhacaan, kow ninka la qabanayo waa asiga, marka waxaa la doonayaa inuu mas’uuliyadaas qaado oo habeen iyo maalin u soo jeedo amniga degmadiisa”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Guddoomiye kasta oo degmo ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Gobolka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda ilaa Madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

"Hadii baabuur xamuul ah oo laga soo raray Afgooye ama meelo kale haduu ku qarxo degmadaada adiga Mas’uuliyada qaadeysid”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Waxaa uu sheegay in Maamulka degmada looga baahan yahay inuu si dhow ula socdo dhaq dhaqaaqa amni daro ee ka taagan degmada, isagoo ugu baaqay shacabka degmooyinka inay la shaqeeyaan Guddoomiyeyaashooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowaan lagu wareejiyay amniga guud ee magaalada Muqdisho, wixii hada ka dambeeya ay mas’uul ka yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip