Dagaal weli ka soconaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo koox hubeysan oo daacad u ah Liiban Maxamud Madaxweyne ayaa weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.
- Dagaalka ayaa waxaa ku soo biray Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegen VOA, waxayna dadka deegaanka sheegeen in Liiban Madaxweyne uu u dagaalamayo qaab qabiil kadib markii uu diiday inuu Hubka ku wareejiyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dagaalka oo Xalay saqdii dhexe bilaawday waxa uu ka dhashay muran la xiriiray Safar dhawaan Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka hor istaageen Siyaasiga Axmed Cabdisalaam oo ay isku dhaw yihiin Liiban Madax weyne.