HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-MAY-2020

0
Monday May 18, 2020 - 10:19:26 in Wararka by
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-MAY-2020

    Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo, iyo Gudoo miyihii G/Mudug oo Lagu Dilay Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Shalayeyd M/ Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug. Qaraxa ay aa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Ma amulka G/Mudug ee Puntland,waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo, iyo Gudoo miyihii G/Mudug oo Lagu Dilay Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Shalayeyd M/ Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug. Qaraxa ay aa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Ma amulka G/Mudug ee Puntland,waxaana jira khsaare ka dhashay qaraxa. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjogayaal qar axa waxaa fuliyay nin isku xiray waxyaabaha qarxa,kaasi oo isku qarxiyay xarunta Maam ulka G/Mudug ee Puntland ee M/Gaalkacyo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin kala duwan. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Guddoomiyihii G/Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre,oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada. Dhanka kale Ciidamo farabadan oo ka tirs an kuwa maamulka Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi.

Dowladda oo ka hadashay qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

Duhurn imadii Shalay ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Maamulka G/Mudug ee dhinaca Puntland iyo qaar kamid ah ilaaladiisa,xilli ay kasoo baxayeen Xarunta M/Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxa med Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca DFS ayaa cambaareeyay qaraxaas lagu dil ay dadka shacabka ahaa & gud doomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii G/Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur,waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in wee rar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomi yaha.

Madaxweyne Deni oo si kulul uga hadlay qaraxa lagu dilay Guddomiyihii G/ Mudug

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxto oyada Maamulka Puntland ayaa waxaa loo ga hadlay qarixii ismi idaaminta ahaa ee Shalay lagu dilay Gud doomiyihii G/Mudug ee Puntland,kaas oo ka dhacay M/Gaalkacyo.

Hoos Ka Akhriso War- Saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni oo ku hadlaya macagaca Xukuumadda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiy aynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Gud doomiyihii G/Mudug Marxuum Axmed Mu use Nuur oo cadawga ummadda Somaliyed si gaadmo ismidaamin ah ugu dilen Shalay Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoo miye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliye ed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Md.Deni waxa uu si kulul u cambaarayna yaa falkaasi lala beegsaday Xarunta Gud . G/Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle "S WC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday we erarkaasi argagixiso in alle Jannadii geeyo in tii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu bogaadiyey ka hortagga deg de gga ah ee ay ciidamada Puntland kaga horta geen cadawga gabood falkaasi la damacsa naa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadk ooda shaqo gudanaayey.

AH

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya siinay sa lacag dhan $137.5 Milyan.

Qoraal lagu daabacay Bogga Bangiga ad duunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya loo ogolaaday lacag dhan $137.5 million si wax loogu qabto Xaaladaha ka soo cusb oonaatay dalka sida Covid-19, Fatahaadda Wabiyada iyo daadadka Roobka.

Bangiga Adduunka ayaa shee gay in dad ka Sooma aliyeed ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin Dhaq ashada Xool aha 70%, taasina ay saa meys ay dhibaatooyinka soo kordhay oo ay uga sii horeysay isku dhacdayada labaatankii sa no ee lasoo dhaafay dalka ka jiray.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaali ya Felipe Jaramillo ayaa sheegay in Sooma aliya ay soo martay marxalado kala duwan, balse hadda oo ay ka soo kabaneysay dhib aatooyinkaas ay saameyn ba’an ku yeeshe en xaaladaha isbiirsaday ee Corona virus iyo fatahaadda Wabiyada.

Wuxuu soo jeediyay in lagama maarmaan ay noqotay in la garab istaago Soomaaliya, lana siiyo lacag dhan $137.5 million si Dowl addu ay ugu adeegsato wax ka qabashada dhammaan caqabadaha jira.

Felipe waxa uu bogaadiyay in dadaalka DFS ay sameyneyso, isaga oo sheegay in Bangiga adduunka uu ku gacansiinayo wax waliba oo lagu xaqiijin karo gaarista Guulaha Muuqda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka W/Maaliyadda XFS Cabdirax maan Ducaale Bayle oo ka jawaabay lacag ta loogu deeqay ayaa bogaadiyay go’aanka Bangiga Adduunka uu qaatay ee lagu taa geerayo Soomaaliya.

"Waxa aan aad u soo dhaweynayaa tala abada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatah aadaha iyo Abaaraha” ayuu yiri Wasiirka Ba yle.Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, balse uu samey ay cudurka Corona virus, maadaama xanni baad Dowladda ay soo rogtay si loo yareeyo faafidda Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay dunida, isla markaana kala xir-xiray dalalkii isku safri jiray.

Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Ajando halis ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

G/Baarlamaanka D/G/Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Habeen hore Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu la wa daagay Ajandihii uu xilka ku waayey Gu ddoomiyihii hore ee Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed. Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntla nd ayaa la shaaciyay inuu furmayo bartama ha Bisha June,iyada oo ajandihiisa uu kamid yahay la-xisaabtanka xuku umad da iyo Dib-u-eegista he shiishyadii hore qod obadaas oo halis ku noqon kara gudd oomi yaha. Qodobada u gu waweyn ee Ajana ha Kal-fa dhi ga B/Puntland ayaa waxaa ka mid ah.

1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay ga shay Xukuumadda Puntland.

2:la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaami yo Madaxweyne Saciid C/hi Deni.

3:dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah.

4:Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaa nad siinta Golaha Wakiilada.

5:Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay Shir kii wadatashiga Puntland.

Somaliland oo B/Caalamka u dirtay mowq ifkeeda ku aaddan qorshaha Abiy iyo Yamamoto ee Soomaaliya

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan Be esha caalamka u dirtay fariin ay ku cadeyna yso mowqifkeeda ku aadan qorshaha cusub ee ay ku wajahayaan wa da-hadalada Mas’uuliyiinta D/It oobiya iyo Mareykanku.

Somaliland ayaa si weyn u ga hortimid qo rshe ay Abiy Axmed iyo Don ald Yamamoto ku rabaan inay dib ugu soo celiyaan midnimadii Somaliya, xili ay Somali land ku doodo inay tahay dal madax-banaan Si da ay tibaaxayaan warar ho ose oo aanu helayno, W/arri maha dibedda Somaliland ay aa maalmihii u dambeeyay xir iiro kala duw an la sameysay dalalka beesha caalamka ee xiriirka wanaags ani kala dhaxeeyo, kuwa asi oo ay u gudbisey mowqifkooda ku aadan arrinkaasi. X/Somalil and ayaa sidoo kale dal alkaasi beesha caal amka u sheegtay inay di yaar u tahay inay dib u furmaan wada-hadal ada Soomaaliya, balse aysan ogol eyn qaab ka leexsan ee dhawaan loo waja hay wada-hadaladaasi.

Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Marey kan ah oo inta badana u dooda Madax-ban naanida ay ku doodo Somaliland, ayaa isag un dhawaan R/wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaal iya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah u ga dhex sameynayaan DFS iyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili uu si xawli ah u socdo qorshe cusub oo ay Is ka kaashanayaan Abiy Axmed iyo Donald Yama moto, kaasi oo ku aaddan sidii ay si de g-deg u gu furmi lahaayeen wada-hadalada 2da dhin ac,isla markaana ay ka dhalato midnimo.

Xigasho:-caasimadda.net
Xoghayaha guud QM oo si adag uga had lay xaaladda gobolka Gedo

Xoghayaha guud ee QM oo ka hadlay xa aladda G/Gedo ayaa sheegay inuu si xoo gan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Antonio Guterres ayaa shee gay in ciidanka ay DFS bishii Febraayo ay geysay G/Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xii sado dagaal oo ho leh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalla dii u dambeeyey ee dhex-maray 2da ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen.

"Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbal and iyo kuwa DFS ee ka dhacay Gedo, kuw aas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa kale oo uu ugu baaqay madaxda DFS iyo kuwa Jubbaland inay joojiyaan xiis ada ka jira K/Soomaaliya, si looga hortago rabshade kale oo dhaca.

Mr.Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in mowqifkiisa ku aaddan xaaladda cakiran ee G/Gedo uu ku caddeeyo khudbad uu ka je edin doono shirka Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu damgbeyn xoghayaha guud ee QM ayaa soo dhoweeyey heshiiyadii dhowaan laga gaaray khilaafaadyadii ka dhashay door ashooyinkii ka kal dhacay magaalooyinka Ki smaayo iyo Dhuusamareeb ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

Kaamirooyinka CCTV ee M/Muqdisho oo loo sameeyay ciidan ilaaliya

Ka dib markii ay Al-Shabaab 2 jeer ay qar axyo ku xireen kaamirooyinka wax duuba ee lagu xiray waddooyinka M/Muqdisho qaark ood, ayaa DFS waxay u sameysay ciidan ga ar ah oo ilaaliyo kaamirooyinkaas oo amaan ka qeyb weyn ka qaatay.

Ciidankaan oo ah dhallinyaro aan laheyn wax lagu aqoonsado ayaa ilaaliyo Kaamiro oyinka waxaana aad u adag in la ag fariisto, la ag istaago, gaari la ag dhigto ama nawaax igeeda ay noqoto meel lagu sheekeesto.

Dhowr qof oo ku nool Muqdisho ayaa la kulmay iyagoo ag jooga Kaamirooyinka dhall inyaro daqiiqado kadib u yimid oo amraya iney ka fogaadaan goobta. Dhalinyaradaas waxay wataan dhar caadi ah, waxaana la sheegay in halkii kaamiraba ay habeen iyo maalin ilaaliyaan 2 ilaa 3 askari.

Arrintaan ayaa sababtay in bilooyinkii la soo dhaafay xal loo helay qaraxyadii lagu xiri jiray Kaamirooyinka oo dhowr jeer waxyeele eyey qalabkaas oo muhiim u ah ammaanka Muqdisho, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga.

Qubarada amniga ayaa soo dhaweeyay Kaamirooyinka iyo ciidanka loo sameeyay, kuwaas oo wax weyn ka beddalay ammaanka Muqdisho, waxayse mas’uuliyiin ta amniga ugu baaqeen in la furo ama la dur jiyo goobaha ay ka kala xiran tahay magaal ada oo dhib badan ay ku qabaan shacabka Muqdisho.

Muddo ku dhaw hal sano ayey kala xiran tahay M/Muqdisho, waxayna arrintaas sabab tay in hoos u dhaco dhaqaalihii dalka sida ay qabaan ganacsatada M/Muqdisho hase yee shee waxaa la sheegay in amniga ku fiicna aday waddooyinka xiran ee Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19

Hindiya ayaa ku dhawaad ​​2bilood xirnaa sho adag ah magaalooyinka Mumbai, New Delhi, Chennai iyo qaar ka mid ah Gobollada kale ee muhiimka ah ay weli la dagaallama yaan xakame ynta cudurrada coronavirus.

Tirada dhimashada maalin laha ah ee cu durka loo yaqa an ‘coronavirus’ ee Spain waa 87, wasaa rada caafimaadka ayaa sheegtay, inay hoos uga dhacday 100 sano mar kii ugu horeysay labo bilood gu dahood.

Dalka Burundi waxaa ka sii soconaya do orashada Arbacada oo soo afjari doonta ka la qeybsanaanta Madaxweyne Pierre Nku runziza iyo xukunka 15 sano dhiig ku daa tay.

Laakiin coronavirus-ka ayaa khatar ku ah codbixinta May 20-keeda, xukuumadduna waxay ceyrisay shaqaalaha Ururka Caafima adka Adduunka ka dib markii walaac laga muujiyay.

Madaxweynihii hore ee Barack Obama ay aa ku dhalleeceeyay hoggaamiyeyaasha Ma reykanka wax ka qabashada jawaabta cor onavirus, isaga oo ardayda qalin-jabiya kulle ejku ugu sheegay cinwaan bilow ah oo qad ka internetka ah in masiibadaas ay mu ujin eyso in masuuliyiin badan "xitaa aysan iska dhigayn inay mas’uul yihiin”.

Caalamka, in kabadan 4.6 milyan oo qof ayaa cudurka qaaday in kabadan 312,000 ayaa u dhintey COVID-19, sida laga soo xig tay jaamacada Johns Hopkins. Ku dhawaad ​​1.7 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo la dhaariyay

Golaha Wasiirada ee D/G/ Galmudug ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Qo orqoor ayaa lagu hordhaariyay xild hibaana da Baarl am aan ka Galm udug.

Dhaarintan ay aa timid kadib mar kii ay cod aqlabiy ad leh ku ansixiye en golaha Wasiirad da cusub ee uu dhawa an soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Xildhib aanada Baarlamaan ka Galmudug. Kulanka golaha Shalay wax aa soo xaadiray 78 mudane ee ka tirsan Barlamaan ka dhamma an waa ay ansixiye en. Munaasa bada waxaa ka qeyb-galay Ma daxweynaha Galmudug Madaxweyne ku xi geenka Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Bar lamaanka Galmudug Maxamed Axmed Gac al iyo ku xigeenadiisa .

Dhammaan tirada golaha Wasiirada ay Shalay meel mariyeen Barlamaanka ayaa ka koobnaa 61 waxaana isla munaasabada la gu dhaariyay 25 Wasiir, 25 Wasiir ku-xige eno iyo 11 Wasiiru Dowle.

Axmed Madoobe oo la kulmay Xubno mucaaradsanaa Maamulkiisa

Madaxweynaha D/G/Jubbaland Axmed Maxamed ayaa Shalay kulan la qaatay Ja naraal Cabdi Mahdi iyo Nabadoon Cali Xus een Nuur Cali Dhee re oo kamid ah waxg arad ka Jubbaland is la markana kamid ah aa dadka Madaxwey naha kaga aragtida duwanaa Arimaha Siya asada.

Kulankan oo kamid ah dadaalada Mada xweynahu uu ku dhagaysanayo aragtiyada Bulshada iyo figradaha kala duwan ee wax dhisaya ayaa waxaa lagaga wada hadlay si dii looga shaqayn lahaa Midnimada iyo wad ajirka Dadka Reer Jubbaland isla markana meesha looga saari lahaa kala aragti duwan aan xagal daacin karta Hormarka ay hiigsa nayaan dadka ree Jubbaland.

Waxaa kulankan ka qaybgalay Masuuliy iin heer Federaal ah oo uu kamid yahay Xil dhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Xildhibaano Wasiir Ganacasato iyo Sarakiil katirsan Jub baland.

Gabagabadii waxaa la isku raacay in la jo ogteeyo wada hadalada iyo kulamada ay ka soo bixi karaan aragtiyo wanaagsan oo lagu hormarinayo Dowladnimada Jubbaland.

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israel oo isaga mayd laga helay gurigiisa

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo is agoo meyd ah laga hel ay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meyd kiisa laga helay sariirtii sa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febra ayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya balse qoyskiisa.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay geeridiisa, sidoo kale na ma jirto cid warbaahinta hadal faah faa hsan siisay.Guriga Safiirka waxaa gaaray Cii damo Boolis ah, halkaasi oo laga sameyna ayo Baritaano la xiriira dhimashada Safirka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan wadajir ah

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Md. Xildhi baan Saalax Axmed Jaamac ayaa shir-gudo omiyay kulan 3geesood ah oo ku qabsoo may qaabka muqaal-shireedka Internetka kaasoo u dhaxeeyay W/Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudd iga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hir gelinta Dastuurka.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la is ku dhaafsaday warbixinno waxaana looga ar insaday caqabadaha jira ee ku hareereysan dhameeystirka dastuurka iyo sidii looga gu dbi lahaa iyadoo maanka lagu hayo Caabu qa COVID19, waxaa sidoo kale looga dood ay arrimha la tashiyada dadweynaha, arrima ha farsamada iyo siyaasadda ee dastuurka oo qaarkood wada xaajood u baahan iyo si doo kale waqtiga ka haray qorshaha dhame eystirka Dastuurka.

Wasiir Saalax Jaamac ayaa ka hadlay dar dargelinta howlaha horutabinta leh ee muhi imadda u leh dhameeystirka dastuurka isaga oo adkeeyay in la kordhiyo la tashiyada dad weynaha si wacyiga shacabka Soomaaliye ed ee dastuurka ku saabsan kor loogu qa ado.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baa rlamaanka Sen Cabdiqeybdiid iyo Gudoomi yaha Gudigga Madaxabanaan Prof. Maxam ed Afrax aya si wadajir ah waxa ay uga war bixiyeen howlaha u qabsoomay 2da guddi waxa ayna sidoo kale muujiyeen heerka ay gaarsiisanyihiin caqabadaha taagan ee uu u gu horeeyo Caabuqa COVID19 iyagoo dhan ka kale tilmaamay in caqabadahan ay ku soo aadeen xiligii ugu wanaagsnaa ee dib-u-eegista iyaga oo ku sababeeyay in howlo ba dan oo adag la soo qabtay kuwo kale oo mu hiim ahna ay dhimanyihiin sidoo kale wac yiga dadweynaha ee dastuurka iyo wadasha qeynta hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka dastuurka ay meel wanaagsan marayaan.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay howlaha qabsoomay waxa uuna ku dardaarmay in la xoojiyo wadashaqeynta si looga mirodhaliyo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

-----DHAMAAD-----

Shaqaalaha Soomaaliland oo la fasaxay & sababta oo la shaaciyay

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Shaqaalaha Soomaaliland ayaa Shalay ku dhawaaqay in la fasaxay dhamaan Shaqaalaha Soomaa liland laga bilaabo Beri oo Taariikhdu tahay 18/5/2020 ilaa 19 Bishaan.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada Shaqaalaha Soomalailand ayaa lagu sheegay in sababo la xiriira snad-guuradii 29aad oo ku beegan Ma alintii Soomaaliland ay ku dhawaaqday inay ka Go’day Soomaliya inteeda kale ee 18 Bisha May. Fasaxa la siiyay dhamaan Shaqaalaha soomaaliland ayaa waxaa qeyb ka ah Wasa aradaha yo hay’adaha kale ee Xukuumadda, iyada oo hambalyo loo diray dhamaan Shac abka ku nool deegaannada Soomaaliland.

Sanadkan ayaa Soomaaliland waxaa ka jirin munaasabado loogu dabaal-degayo xuska markii Soomaaliland ay sheegtay inay gooni isku taagtay sababo la xiriira Cudurka COVI D-19.

AMISOM oo sheegtay inay dagaal ku dileen Xubno Shabaab ah

Howlgalka M/Afrika ee AMISOM ayaa wa xaa ay sheegeen inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qa adeen fariisin Ciidamo ka tirsan Nabads ugida Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku le eyihiin M/Bilis Qooq ani ee G/Jubbada Hoose.

War-Saxaafadeed ka soo baxay M/Afrika ayaa waxa lagu sheegay in Al-Shabaab 3 jiho kasoo weerareen Saldhiga M/Bilis Qoo qani,hayeeshee AMISOM ay qaaday tallaa bo ay uga hortageysay weerarkaas.

"Qeybta Howlgalka M/Afrika ee Soomaali ya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JS F), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xub no ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka ayaa lagu yiri”Warka Midowga Afrika.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa wa xaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dhaa wacmeen 2 kamid ah Ciidamada jubbaland haatana lagu daaweeynayo Saldhiga How lgalka AMISOM ee deegaanka Bilis Qooqani , sidoo kalena weerarkaas lagu dilay 3Xubno od oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Med ara ayaa ku amaanay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM sida ay uga jawaabe en weerarka Al-Shabaab ee deegaanka Qooqaani.

Ciidamada Dowladda oo joojiyey isku socodka Beledweyne iyo Ceel-jaale

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan G/Hiiraan ayaa waxaa ay joojiyeen isku socodka dadka ee M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan iyo deeganka loo barakac ay ee ceeljaale Duleedka Magaaladaasi

Sababaha ugu weyn ee wadadaasi loo xir ay ayaa waxaa ay ka dambeysay,kadib mar kii maritaanka wadadaasi noqotay mid halis ah ,isla markaana ay Biyaha qaadeen dhowr qof,kuwaas oo ay Ciidamada soo badbaadi yeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay qaarkood sheegeen in wadadaasi ay xirnaan doonto ilaa laga keeno qorsho lagu bad baadinayo dadka Shacabka ay oo ay biyaha qaadayaan xilli ay ku wajahan yihiin deeg aanka Ceel-Jaale ee duleedka M/B/weyne.

Boqolala qoys oo ka barakacay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay M/B/weyne G/Hiiraan ayaa ku sugan deegaanka Ceel-Jaale,waxaana jira kuwo kale oo haatan qor sheynaya inay aadaan,balse Ciidamada ay joojiyeen isku socodka dadka ee Magaalada as iyo deegaanka Ceel-Jaale ee G/Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Maamulka G/Hiiraan ayaa waxaa ay horay ciidamada Ammaanka ugu amreen inay tagaan deegaanka Ceel-Jaale, isla markaana ay sugaan Amniga dadka fa tahaada ka barakacay ee ku sugan deegaan kaas.

Gabdho ay qoyskooda dileen kaddib markii lagu dhex arkay muuqaal baraha bulshada ku baahay

Waxaa la sheegay in gabdhaha uu toogtay qof ka tirsan qoyskooda bartamihii toddobaa dkan, waxayna toogashada ka dhacaday wa qooyiga iyo koonfurta Waziristan ee dalkaasi Pakistan.

Dilka ayaa dhacay ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal gaaban oo ay gabdhaha iyo wiil ku wada jireen. Sida ay booliska sheegeen.

Haataan booliska ayaa waxaa loo diray tu ulada gabdhaha lagu dilay si ay dhacdada u baaraan.

Waxa la sheegay in sababta ka dambey sa dilkaasi 2da gabdhood oo ay da'doodu ah ayd 16 iyo 18 sano jir la aaminsan yahay mu uqaal ay kuwada jireen nin da'yar iyo 2da gabdhood ee la dilay iyo gabdh kale oo bara ha bulshada ku baahay.

Waxay u muuqataa in muuqaalka la duub ay ku dhowaad sannad ka hor waxayna u badan tahay in baraha bulshada uu ku baahay 7baadyo ka hor, sida uu sarkaal sa re oo booliska ka tirsan u sheegay warbaah in ta.

''Muhiimadeena waa inaanu badbaadinaa nolosha gabadha 3-aad iyo ninka, ka hor in ta aysan tallaabo ka qaadin,'' ayuu yiri sarkaalka

Hay'adda xuquul Insaanka ee Human Rig hts Watch ayaa sheegeysa in tacaddiyada ka dhanka dumarka iyo gabdhaha da'da yar ay yihiin dhibaatooyin ka jira Pakistan.

Waxaana la aaminsan yahay in ilaa 1,000 ay gaarayaan dilalka loo geysto gabdhaha sannadka walba.


Faah faahin: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa ka dhacay shalay magaalada muqdisho kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka da mbe ee Isbitaalka Erdogaan Ex-Digfeer D/Hodan ee G.Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la gu Aaso ayaa waxaa la sheegay in lala eeg tay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Milla teriga Soomaaliya,kaas oo goobta marayay, balse la sheegay in wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin Ciidamada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dara yaan in laba qof oo Shacab ah oo xilliga uu qaraxa dhacayay Goobta marayay inay dha awacmeen,kuwaas oo la geeyay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla M/Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay warbaah inta u sheegeen in qaraxa ka dib ay Ciida mada fureen rasaas farabadan balse aysan cid waxba ku noqon,iyaga oo Ciidam ada is ka sii watay socodkoodii.

Ciidamada Kenya oo duqeyn cirka ah ka geystey deegaano ku yaal xadka Soomaaliya

Ciidamada Milatariga Kenya ayaa duqe eyn cirka ah ka geyst ay deegaano ku yaal xadka kala qeybiyo So omaaliya iyo Kenya ka dib markii dagaalamay aal Alshabaab ah ay weerareen saldhig boolis oo ku yaal deega an ka Khorof Kharar oo ka tirsan Wajir.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidam ada Kenya duqeyntan oo dhacday Habeen Hore xalay ayaa lala beegsaday deegaano la aaminsan yahay inay ku dhuumanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Milatariga Wajir Tho man Ngeywa ayaa u sheegay wargeyska the Nation in waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

"Ciidamadeena cirka waxa ay duqeeyeen xilli habeenimo ah iyadoo taasna ay jawaab u ahayd weerarkii nalagu soo qaaday, wax aan tuhmeynaa in qasaaro culus uu soo gaa ray kuwii weerarka ka dambeeyay.”ayuu yiri sarkaalkan.

Weerar ay ku qaadeen dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan Dorraad ayaa waxa ay ku burburiyeen xarun ay leedahay shirkada isgaarsiinta Safaricom.

Sidoo kale dagaalamayaasha ayaa hore u sii qaatay illaa 3 qori iyo hub kale. Goobta ay Al-Shabaab weerareen ayaa lagu magacaa baa waxana ay u jirtaa illaa 30km xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab oo War kasoo saaray qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

Duhurnimadii Shalay ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Maamulka G/Mudug ee dhinaca Puntland iyo qaar kamid ah ilaaladi isa,xilli ay ka soo baxayeen Xarunta G/Mudug ee Gaal kacyo.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Mooto Bajaaj,isla markaana lagu dhuftay gaari uu watay Guddoomiyaha, waxaana halkaasi ku geeriyoday guddoomiy ihii G/Mudug iyo 3 ka mid ah ilaaladiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii G/Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur,waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in wee rar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomi yaha.

Maamulka Hir-Shabeelle oo Jowhar ka bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaa da Wabiga

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle Ca li Gudlaawe Xuseen ay aa Sha;ay kormeer ho wlgelin ah ku gaaray hareeraha Webiga Shabeelle gaar ahaan Qeybta Xaafada Ku lmis halkaas oo Maa lmihii ugu Dambeeyay ay ka taagneed Cabsi la xiriirta In webiga uu Fatahaad sameeyo.

Md.Guudlaawe ayaa Goobta laga bilaa bay Caratuurka Ee dhanka Webiga waxa uu Shalay geeyay Saamballo loogu tala galay in lagu xoojiyo Caratuurka Webiga si loo Ba dbaadiyo Nolosha Hantida iyo Dadka ku dhaqan Gudaha M/ Jowhar.

Dhawaan ayaa aheyd markii Madaxwey ne kuxigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Xubna ka tirsan Maamulka ay so cdaalo kala duwan ku gaareen Qaar ka mid ah meelaha laga Baqdinta qabo in Webiga uu ka fataho.

Amb Daahir Geelle” Fatahaadda Baladwe yne Maxaa dowladdii helay?

Amb, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee W/W/Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne ayaa ka had lay xaaladaaha fat ahaada ha ka jira M/Beledlweyne iyo doorkii DFS looga baa hnaa inay ka qaadato oo ay ka gaabisay.

Amb, Daahir Geelle oo qoraal dheer oo dhigay bart iisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in DFS ays an xilweyn iska saarin ka hortagga fataaha daha maareyntooda iyo caawinta dadka ku waxyeeloobay.

Sidoo kale qoraalka waxaa uu ku sheegay in lacagihii sanadkii hore Caalamka ugu dee qay dadka Reer Beledweyne lagu shubay account gaar ah oo aan ahayn Banigaga dhexe.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Amb, Daahir Maxamuud Geelle.

Baladweyne iyo deegaanno badan oo Hi rshabelle ka tirsan waxaa sanadkii 2aad ka ji ra fatahaado iyo daadad roobabku keeneen oo khasaare geystay.

Sanadkii hore markii sidan oo kale dhibtu u dhacday waxay dadka Soomaaliyeed, da lal walaalo ah iyo duniduba ku deeqeen dha qaale loogu talo galay in loogu gurmado dadka Beledweyne.

Dowladdu xilweyn iskama saarin ka hor tagga fatahaadaha, sidoo kalena xoog bad an kuma bixin maareyntooda iyo caawinta dadkii ku wax yeelloobay, taas baddelkeeda na waxay ku fashilantay in ay bixiso dhaqaa lihii dunidu ku deeqday si loogu caawiyo dad kii waxyeelladu gaartay.

Waxaa xusid mudan in lacagihii caalam ku ku deeqay lagu shubay account gaar ah oo aan ahayn Banigaga dhexe.

Isweyndiintu waxay tahay:

Maxaa keenay in dhaqaalahaas lagu shu bo koonto gaar ah, halkii lagu shubi lahaa bankiga dhexe?

Aaway wasaaraddii maaliyadda iyo hay’a daha kale ee maaliyadda iyo isla xisaabtan ka qaabilsanaa?

Maxay u hubin waayeen in lacagtaas lagu shubo bangiga dhexe?

Golaha Wasiirradu waa kuwa hoggaami yaha howlaha fulineed ee dalka oo dhan. Maxay u hubin waayeen in dhaqaalahaas la gaarsiiyay oo lagu gargaaray dadkii loogu talo galay?

Waxaa jira xildhibaanno Hirshabelle ku matala goleyaasha sharci dejinta oo ah ku wa u xil saaran la xisaabtanka xukuumadda. Iyagana maxaa helay?

Intaas marka laga soo tago Hirshabelle waxay leedahay madaxweyne iyo Madaxw eyne ku-xigeen. Maxay u sugeen sanad dhan oo ay xukuumadda cadaadis ugu saari waayeen in ay bixiso dhaqaalihii loogu dee qay caawinta dadka ay matalaan?

Xishoodkaas xad-dhaafka ahi xaggee ka yimid?

Waxaa muuqaneysa in dowladdu ay isku koobtay wax walba, oo aysan diyaar u aha yn inay matalayaasha deegaannada iyo ma daxdooda ku tixgelineyn mas’uuliyaadka ay u diran yihiin iyo dadka ay matalaan?

Waxaa kaloo muuqata inay dowladdu la kaliyowday wax kasta oo ay xitaa ku jiraan qeybinta maro kaneecooyinka, taas oo tusa ale ka bixineysa in aysan diyaar u ahayn ma amul daadejin.

Dowladdu haddii ay ku guul darreysatay inay si hufan u maareyso dhowr milyan oo dunidu ugu deeqday dad ay daadad iyo aafo oyin dabiici ahi halakeeyeen, Ma lagu aamini karaa inay si furan iyo hannaan dimoqraadi ah u maareyso doorashada ay muddada yari ka dhiman tahay ee la doonayo in ay dalka

ka dhacdo?

Xigasho:radiorisaala.com


Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo



Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu talogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn. Maqaalkaygan kaga hadli mayo axkaamta uu soonku leeyahay , waxaynuse ka eegi dhanka isbadalka.((Ilaahay ma badalo wax dad ku sugan yihiin Ilaa ay badalaan waxa naftoodu ku sugantahay))( Al-Ra,ad :11)

Waxaynu in badan raadinaa seminaaro iyo shirar la qabto oo aan kaga faa, iidaysanno sidii loo maamuli lahaa wakhtiga, sidii loo kobcin lahaa nafta, qorshe bileed, ama sanadeed sidii loo samayn lahaa, sidii nafta loo tarbiyadayn lahaa, iyo waxyaabo kale, inagoo mararka qaarna lacag ku bixinna, laakiinse dadku ma oga in ay bisha ramadaan tahay fursad qaaliya oo mucjisaadkeeda aan la soo koobi Karin, Qalina aanu suurayn Karin, waa bil Ilaahay soo dajiyay hagaha iyo tusaha cad (Quraanka), waa bishii uu Ilaahay siiyay muuminiinta libta iyo guusha wayn, waa bishii ugu furashada badnayd taariikhda islaamka, waa bil Ilaahay albaabada jannada furayo, Kuwa naartana xidhayo, shayaadiintana la katiinadaynayo. Waa bil ay ku jirto habeen barako badan (Habeenka Qadriga). Habeenkaasoo u dhigmo 1000 bilood,waa bil qofka Ilaahay dartii u sooma isagoo rajaynaya abaal marintiisa laga dhaafayo danbigiisii uu galay.

Qofka wanaagsani waxa uu hadiyo jeer isku daya inuu naftiisa isbadal ku sameeyo hadiyo jeer, laakiin waxaa la isku dhaafay oo lagu kala tagay habka iyo dariiqa loo marayo isbadalka. Dadku waxay hadiyo jeer doonaan inay isku badalaan si dhakhso ah kuwaasi waa kuwaan gaadhi Karin isbadal, kuwa isbedalka dhabta ah la yimaadaa waa kuwa u samra "Samraa sadkii hela”

Hadii aad doonayso inaad isbedel samayso su,aalahan si niyadsami ah uga jawaab

Yaad tahay? Maxaad doonaysaa? Habkeed u maraysaa waxaad doonayso? Maxaad u nooshahay? Wadada saxda ah mahaysataa? Waa maxay dawrkaagu? Maxaad doonaysaa inaad gudbiso? Ma leedahay qorshe haba ahaado mid saacad leh ah? Maxaad doonaysaa inaad bishan Ramadaan xaqiijiso? Ma jiraa Qorshe aad ka leedahay bisha Ramadaan?

Walaal markaad su,aalahaa si run ah uga jawaabto waxaad garan doontaa dariiqa sax ah ee la isku badalo. Isbadalkuna waxa uu ka yimaada waa gudaheena, sidaan u fikirno ayay noloshanu inoo ahaanaysaa.

Waxa jira hadaba dadyaw farabadan oo bisha ramadaan is yidhaah is badal la kaalay mise waaba iyagoo ay naftu jiidanayso, shaydaankuna jahawareeriyay, Noloshuna ay jeel ku xidhay.

Waxaa ka mid ah:

1.Mid ay salaada tukashadeedu ay ku noqotay culays

2.Mid danbiyada iska dhex muquuranaya

3.Qof caadaystay cayda iyo aflagaada uu dadka u gaysanayo

4.Qof aan asturayn naftiisii

5.Qof ay balwadi daandaamisay

6.Qof aan waxba bixin oo gacan adag

7.Laba ay colaad iyo cadaawadi ka dhaxayso

Sifooyinkaasi iyo kuwo kaloo badanba waxay ku dhacaan nafaha bini’aadamka, laakiinse ilaahay waxa uu siiyay fursad dahabi ah waana bisha ramadaan. Fursadaasi waxaad ku xafidi kartaa shanta salaadood, danbiyada ayaa iska ilaalin adigoo Ilaahayna hadiyo jeer danbi dhaaf waydiisanaya, afkaaga ayaad edbin adigoo akhrinaya xuska Ilaahay,naftaadaad asturi adiguu dareensan macnaha ("Adaan ku caabudaynaa”), balwadaada ka adkaw waayo waad soontay, habeenkiina intaad karto iska ilaali waayo aroor oo dhan soomanoow adoo waliba hurda habeenkii balwadii ku afur waa caafimaad daro iyo doqoniimo,Masaakiinta maalintii 500 Sl sh ha ahaatee sii si aad nafta u bartid bixinta, iska cafi dadkii aad iska hortimaadeen ee aad arrin yar oo haddii la baadho fududayd noqonaysa aad iskugu cadhooteen waxayna yidhaahdaa dadka u takhasusay cilmiga naftu " Haddii aad caado badashid oo aad bil ku socotid waxaad arkaysaa adigoo si caadiyan ah u samaynaya”

Bisha ramadaan waa seminar la Bixiyo ka ugu qiimaha badan, ugana faa,iido badan, waa bil ku siinaysa caafimaad iyo Alle ka cabsi, Anshax wanaagsan iyo Asluub wacan, waa bil aad ku baranayso sida loo Ilaaliyo wakhtiga, waa bil muujinaysa Ilaahay raxmadiisa iyo naxariistiisa, waxaase hoogay oo qayrkii ka hadhay qofkay usoo gashay ee ay si dhibyar ku dhaaftay isagoon ka faa,iidaysan fursaddaa qaaliga ah.

Isbadalka aan u baahanahay walaal bisha ramadaan waa

 

1.Inaynu Ilaahay barino habeen iyo maalin goor iyo ayaan inagoo waydiisanayna inuu inagu sugo wadada toosan ee islaamka

2.Inaynu isku dayno in aan shanta salaadood masaajidka ku xafidno

3.Inaynu Quraanka akhriskiisa, dhugashadiisa iyo dhagaysigiisaba badsano si uu inoo anfaco oo aan u dareeno macnihiisa

4.Inaynu saaxiibo cusub oo masaajidka ku xidhan aan samaysano, haddiise ay marka hore saaxiibada ahaayeen kuwo fiican oo masjidka ku xidhay aan sii xoojinno xidhiidhkooda.

5.Inaan maalintii wax sadaqaysano haba yaraatee, xitaa hadal wanaagsan uun aan masaakiinta kula hadalno

6.Inaynu taraawiixda jamaacada kula soo tukano

7.Inaynu iska ilaalino xanta iyo xasarada

8.Inaan barano siiraddii Rasuulka( Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo sooyaalkii saxaabada(Ilaahay raali ha ka ahaadee)

9.Inaad miisaankaaga hoos u dhigto (haddaad ka caban jirtay buurni)oo aanad cuntooyin fara badan cunin balse aad barato sida caafimaadka ah ee cuntada loo qaato

10.Inaan nafta ku xidhno xaga sare oo ay Ilaahay si buuxda iskugu dhiibto

11.Inaynu dhadhamino macaanka cibaadada

12.Inaynu dadka sooman quudino si aan ajar la mid ah aan u helno

13.Inaynu badino tasbiixda(Ilaahay Xumaani kaa dheer ) tahliisha(Ilaahay mooye Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa ma jiro) takbiirta(Ilaahay baa wayn) iyo mahadnaqa, Danbi dhaaf waydiisashada.

Intaas iyo inkabadanba waxa la samayn karaa marka la qaato go,aan adag oo caqli gal ah maaha inaad go,aan ku qaadato inaad samayn doonto waxaanay naftaadu awoodin samaynteeda, balse waxaa ka fiican inaad xadidato inta aad karto, oo aad waliba joogtayso Nebiguana(Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: ((Camal waxa ugu khayr badan ka la joogteeyo haba yaraadee))

Walaalayaal Ramadaan waa fursad la helo ta ugu qaalisan, ka faa,iidaysta intaad haleelka iyo caafimaadka haysataan, waanan idiin tilmaamay faa,idadeeda, Ilaahayna waa uu inoo fududeeyay wanaaga iyo khayraadka bisha Ramadaan,waxa uu kuu furay albaabadii jannada waxaanu kaa xidhay albaabadii naarta mark-aasuu waliba katiinadeeyay shayaadiintii, maxaa walaal hadhay ee aad sugaysaa?! Isku day inaad jadwal samaysato,oo aad naftaada ku badasho bisha ramadaan ((Waxaa Liibaanay Qofkii Naftiisa Daahiriya(9) Waxaanay khasaaray Qofkii Naftiisa Xumaan dhex galiya)) (Ash-shams)

Abdilqani Albanna abdilqani@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip