Goodax "Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo"

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:27:28 in Wararka by
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goodax "Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo"

    Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii hore ayaa rajo xumo ka muujiyay in bisha Agosto ee soo socota in dalka doorasho ka dhacdo, xaalada amni ee dalka oo sii xumaanaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii hore ayaa rajo xumo ka muujiyay in bisha Agosto ee soo socota in dalka doorasho ka dhacdo, xaalada amni ee dalka oo sii xumaanaya.

Mr Goodax ayaa sheegay in tan iyo bishii June ee sanadkii hore ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay soo baneeyeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolada dalka.

"Waxaa laga hadlayo waa xaalada guud ee dalka, bishii June illaa iyo hada ciidamada waxay soo baneeyeen aagaga aad u waa weyn, waxaana culeys saaran yahay degmooyinka qaar, waxaa uu weerar ku socdaa Muqdisho, waxaa warbixin ku heynaa in June illaa iyo hada Muqdisho ka dhaceen illaa 64 qarax, dilal iyo hoobiyeyaal lagu soo tuuray”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in amniga laga shaqeeyo, isla markaana uu dhaco is bedel xaga amniga ah sida uu hadalka u dhigay.

"Aniga iima muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo bisha Agosto inay doorasho dhacdo, yaana been la isu sheegin, xaalada amni ee lagu jiro dalka is bedel lagama yaabo inuu dhaco”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo beegmaya, iyaddoo muddo shan bilood ay naga xigto, xilliga la qorsheeyay in dalka ka dhacdo doorasho, waxaana dowladda waqtigeeda sii dhamaanaya laga sugayaa inay soo bandhigto qorshayaashii lagu gaari lahaa doorashada soo socota




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip