DEGDEG: Dagaal xoogan oo ka socda degmada Dhuusamareeb
Dagaal culus oo u dhexeeyaa Ciidamada Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamo uu wato Sargaal horay uga goostay Dowladda Soomaaliya oo ku biiray Ahlusunna laguna Magacaabo Liibaan Madaxweyne ayaa weli ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Wararka laga helaayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaalka la iske adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dagaalka uu bilowday xalay saqdii dhexe (lix saac habeenimo).
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ahlusunna lagala Wareegay Goobo Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Saldhiga Degmada.
Wali lama Oga Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Dagaalka ka socda Magaalada Dhuusamareeb.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xaaladda magaaladda Dhuusamareeb ay aad u adag tahay, isla markaana dadka ay bilaabay in ay ka barakacaan deegaanadda ku dhawdhaw goobaha ay dagaaladda ka socdaan.
DEGDEG: Dagaal xoogan oo ka socda degmada Dhuusamareeb
Dagaal culus oo u dhexeeyaa Ciidamada Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamo uu wato Sargaal horay uga goostay Dowladda Soomaaliya oo ku biiray Ahlusunna laguna Magacaabo Liibaan Madaxweyne ayaa weli ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galg