Nabad-diidka Soomaaliya ma argagixisaa?…qof walbow madaxaada meyrax ku xiro ayay mareysaa maanta!!

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:01:23 in Maqaallo by
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabad-diidka Soomaaliya ma argagixisaa?…qof walbow madaxaada meyrax ku xiro ayay mareysaa maanta!!

    Xaaladda dalka Soomaaliya oo muddo 25-sano ah marba xaalado kala duwan ku soo jirtay waxay maanta mareysaa "Qof walbow madaxaada meyrax ku xiro" taasi oo la micno ah in dalka aysanba ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn si kasta oo dadaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda dalka Soomaaliya oo muddo 25-sano ah marba xaalado kala duwan ku soo jirtay waxay maanta mareysaa "Qof walbow madaxaada meyrax ku xiro" taasi oo la micno ah in dalka aysanba ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn si kasta oo dadaallo xoogan loo galay sidii ay dalka uga dhalan lahayd dowlad awood leh oo soo celisa sharcigii iyo kala dambeyntii.
"Dowlad xun Dowlad la’aan ayay dhaantaa” ayay Soomaalida ku mahmaahdaaye, waxaan taasi ula jeedaa micnaha iyo ujeedka ka dambeeya hadallo ka soo baxayay madaxda sare iyo saraakiisha hay’adaha u qaabilsan nabadgelyada isla markaana ku soo shubtay inay wareejiyeen nabadgelyada caasimadii dalka ee Muqdisho oo maalin kasta lagu gumaadayo shacab aan waxba galabsan.

Waxaaba intaasi oo dhan ka daran in Golaha Baarlamaanka Federaalka shaki geliyay jiritaanka kooxaha argagixisada ah ee dalka ka wada dagaalada iyo qaraxyada galaaftay nolosha malaayiin qof oo shacab ah, isla markaana Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee BaarlamaankaMahad Cabdalla Cawadku tilmaamay ereyga "Argagixiso” Soomaalida xasaasiyad badan ka qabto ayna soo jeediyeen in la bedelo magacaasi.

Haddii hay’addii ugu sareysay sirdoonka Dowladda Federaalka ammaanka Muqdisho ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir oo aan tegi karin degmooyinka qaarkood, Baarlamaankiina inkiray in dalkaba ay ka jirto wax la yiraahdo argagixiso su’aashu waxay tahay shacabka yaa u maqan?.

Calanka_Dalka_12_Oktober_Keydmedia_Online-620x330

Xukuumadda Federaalka ee xilligeedu sii dhacayo waxaa muuqata inay ku fashilantay waxqabadkii ay shacabka ka sugayeen, iska daa inay dalka nabadgelyo ka dhaliyaane iyagii ayaa maanta nabadgelyadooda khatar ku jirto.

Baarlamaanka oo la ogaa waxqabadkiisa tan iyo markii la asaasay ayaa aakhirkiisii iska indha tiraya xaqiiqada ka jirta dalka, kaaga sii darane guluf xoogan ugu jira inuu sameysto muddo kordhin, isla markaana doonaya inuu dib u soo celiyo kooxda Madaxweynaha hor kacayo ee la degay danihii guud ee dadka iyo dalka, kana door biday danahooda gaarka ah.

Marka la eego ereyada ah kooxda Nabad-diidka iyo argagixiso waa laba magac oo kala macne ah balse ficiladoodu aad isugu dhow yihiin, iyadoo mar kasta ooAl-Shabaabqarax geysato ama weeraro toos ah mas’uuliyiinta Dowladda inta badan yiraahdaan "Kooxaha nabad-diidka Al-Shabaab weerar naf-la caarinimo ayay soo qaadeen”.

Hadiiba mar kasta la isku qabanayo Nabadiidka Al-Shabaab ee argagixisada ah micnaheedu waxay tahay WAXBA KUMA KALA DUWANA, sidaas daraadeed in maanta shaki la geliyo magaca "Argagixisada” waa ujeeddo kale oo maalmaha soo socda warkeeda si buuxda loo helayo.

Maslaxadda, mas’uuliyadda iyo masiirka dadka iyo dalka sharci ahaan waxaa mas’uul ka ah Dowladda dalka maamuleysa, ma aha sida uu sheegay Mahad Cabdalla Cawad inay kala dhaxeyso dalal shisheeye iyo hay’adaha qaabilsan arrimaha argagixisada.

Waxaa Qoray: Axmed Wadani


Muqdisho – Soomaaliya

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip