War-saxaafadeed Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabdi

0
Wednesday March 02, 2016 - 10:14:27 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabdi

    01 March 2016 – Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

01 March 2016 – Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka inay isaga cararaan deegaanada ama ay isu soo dhiibaan ciidamada GalMudug.

Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka Mudane Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada GalMudug ay dagaal ku qaadeen kooxaha nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayey agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi oo dhowaan laga saaray deegaankaas. Wasiir Masegaway ayaa yiri "Dowladda GalMudug oo in muddo ah waday dadaalo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada GalMudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”

Wasiir Mesegaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dowladda GalMudug ee Soomaaliya waxey go’aansatay in dagaal culus lagu qaado kooxaha argagaxisada ah si loogu diido goobo ay ku dhuumaaleystaan. Ciidanka GalMudug iyagoo ka duulaya awaamiirtii Madaxweynaha GalMudug isla markaashana kaashanaya shacabka deegaanka ayaa waxey ka war-heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isu abaabulayeen inay dagaal ku soo qaadaan deegaanadii dhowaan laga saaray. Sidaas daraadeed ayey ciidanku iyagoo kaashanaya shacabka go’aansadeen inay dagaal ku qaadaan oo ku soo dhamaaday guul oo kooxihii argagaxisada laga saaray deegaanadii ay ku dhuumaaleysaneyeen ee Gobolka Mudug. Argagaxisada ayaa meydkooda iyo dhaawacooda urursaday oo u firxaday dhanka degmada Xarardheere.”

Wasiir Mesegaway ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka GalMudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo. Sidoo kale Wasiir Mesegaway ayaa baaq u diray dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaabku adeegsanayaan una sheegay in la soo dhoweynayo haddii ay ciidamada isu soo dhiibaan oo ay qoryaha iska dhigaan diyaarna u yihiin inay nabada qaataan. Wasiir Mesagaway ayaa ka codsaday Madax dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo sidii dhalinyarada la marin habaabiyey loo wacyigelin lahaa loogana soo saari lahaa dhibka ay ku jiraan.

DHAMAAD



1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip