Ganacsato iyo Mukhallasiin Siyaasadeed

0
Tuesday March 01, 2016 - 11:41:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato iyo Mukhallasiin Siyaasadeed

    Ganacsato waxaa jira mar haddii waxa ay damceen ay helayaan aan dan ka lahayn dadka iyo dalka. Dan aan ka lahayn meesha ay ka helayaan iyo cidda ay heshiiska la gelayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsato waxaa jira mar haddii waxa ay damceen ay helayaan aan dan ka lahayn dadka iyo dalka. Dan aan ka lahayn meesha ay ka helayaan iyo cidda ay heshiiska la gelayaan.

Waxaa indho tiray damaca. Iftiinka keliya ee ay wax ku arkaan waa toosh ku shaqeeya bateri magaciisa la yiraahdo l**l**sh.

Wax deeqaa ma jiraan dhimashada ka hor. Maba dareensana meesha ay Soomaaliya mareyso. Ma arkaan inta boos, guri ama dhul weyn oo bannaan ay caasimadda ku leeyihiin iyo weliba Gobollada qaar. Kuma filna oo waxay weli u oon qabaan dhul. Kamana dhergi doonaan baahida dhulka ilaa marka ay toodu gasho markaas oo ay heli doonaan dhulka dhabta ah ee ku filan – kaas oo ah 2 miitir.

Waxay qeyb ka yihiin dhibka dalka haysta. Raadkoodu ma qarsoona oo dad badan ayuu u muuqdaa oo iska wareystay.

Waxay wada shaqeystaan mukhallasiin ka ganacsada siyaasadda. Kuwaas oo aan Dowladda xil ka hayn, haddana aan marnaba laga waayin xafiisyada waaweyn ee Madaxda iyo weliba guryahooda siiba xilliyada dambe habeenkii. Sidoo kale waxaan laga ag waayin Madaxda Dowladaha Gobollada.

Ganacsatada xalaasha ah Allah ha u barakeeyo shaqadoodee, ayaguna ha fahmeen, hantidoodu haddii aanay u shaqeyn karin maslaxadda shacabka iyo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ugu yaraan in aanay ka hor imaan oo caqabad ku noqon.

Imaan Allah ayaa uur buuxiya. Allow Soomaali nabadeynteeda sahal, horumarna u horseed.

By:- Yuusuf Garaad

XIGASHO :-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip