QIIMAYN: Afarta Kooxood Ee Kaliya Ee Awood Buuxda U Leh Inay Barcelona Ka Kaxaystaan Lionel Messi Oo Qiimayn Lagu Sameeyay.

0
Tuesday April 07, 2020 - 18:53:56 in Wararka by
  • Visits: 2754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QIIMAYN: Afarta Kooxood Ee Kaliya Ee Awood Buuxda U Leh Inay Barcelona Ka Kaxaystaan Lionel Messi Oo Qiimayn Lagu Sameeyay.

    Wargeyska ree Talyaani gaar ahaan magaalada Milan ee Gazzetta dello Sport ayaa sameeyay qiimayn xilli uu shaaca ka qaaday tiraba afar kooxood oo uu u arko kuwo kaliya ee Barcelona ka kaxaysan kara kabtanka kooxdeeda ee Lionel Messi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska ree Talyaani gaar ahaan magaalada Milan ee Gazzetta dello Sport ayaa sameeyay qiimayn xilli uu shaaca ka qaaday tiraba afar kooxood oo uu u arko kuwo kaliya ee Barcelona ka kaxaysan kara kabtanka kooxdeeda ee Lionel Messi. Shalay ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee kooxda Inter Milan ee Massimo Morratti uu dib usoo nooleeyay riyadii kooxdaas ee ahayd inay mar uun la saxeexayo Messi isagoo sheegay in Leo uusan ahayn riyo mamnuuc ka ah Inter. Messi ayaa haatan xaalad yar adag kaga jira dhinaca Barcelona isagoo xidhiidh aan fiicnayn la leh madaxweyne Florentino Perez kaddib murankii ka dhashay arrimihii mushahar dhimista ee kooxdaas. Dhinaca kale waxa meesha yaala qoddobka waalida ah ee ku xidhan qandaraaska Messi ee ah inuu dhammaadka xilli ciyaareed kasta iskaga tagi karayo Barca haddiiba uusan dareemayn farxad.




                        Si kastaba, Gazzetta dello Sport oo qiimayntiisa sameeyay kuna saleeyay kooxaha awooda lacag ahaan inay la saxeexdaan iyo waliba kooxaha sababaha xifaaltan u diidayo saxeexa Messi ayaa aaminsan in afarta kooxood ee kala ah Inter Milan, Man City, Juventus iyo PSG ay yihiin kuwa awooda u leh saxeexiisa.

              Xiddigan lixda jeer kusoo guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa 718 kulan usoo ciyaaray Barcelona tartamada oo dhan isagoo 627 gool soo dhaliyay isla markaana 261 kale caawiye kasoo noqday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip